Doorashada Koonfur Galbeed oo mar kale dib loo dhigay [Akhri Sababta]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Guddiga doorashadda maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay inay dib u dhigeen coddeynta loo balansanaa inay qabsoonto 28-da bishaan November, taasi oo ay gaarsiiyeen illaa iyo 5-ta bisha dambe ee December.

War qoraal ah oo uu Guddigu soo saarey kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta KMG dowlad goboleedkaan ayay kusoo saareen Jadwal cusub oo ay ku qabsoomeyso codbixinta.

Fahfaahino madax banaan oo uu warsidaha GO helayo ayaa sheegaya in tani ay timid markii mas'uuliyiinta Guddiga ay isku qabteen Jadwalkii hore oo 15-ka xubnood ee dhowaan lasoo magacaabay qaarkood ay kasoo horjeesteen.

Macluumaadka ayaa intaas ku daraya inuu jiro cadaadis kaga yimid xubnaha Guddiga gacan saddexaad oo la tilmaamay inay kala yihiin dowladda Federaalka iyo murashaxiinta hanka uu kaga jiro kursiga madaxtinimo.

Xilldhibaano ka tirsan Gollaha Wakiiladda Koonfur Galbeed aya wacad ku maray in aysan codkooda dhiiban doonin hadii wax ka bedal lagu sameeyo hab-raaca doorashada, taasi oo mudanayaasha ku kala aragti duwan yihiin.

Guud ahaan arrimahaan ayaa hadii aanan xal laga gaarin waxa ay dhaawici karaan ku kalsoonan natiijada kasoo baxda doorashada oo markii labaad oo xiriir ah dib loo dhigay, xili ay mar-xalad kale ay galayso coddeynta.

WARQADDA GUDDIGA EE SHAXDA DOORASHADDA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM