​Doorashada Somalia oo dib u dhacday iyo go'aamo hor dhac ah oo soo baxay

Image

MUQDISHU, Somalia- Warar hor dhac ah oo laga helayo shirka madasha wadatashiga madaxda Somalida ee ka socda magaalada Muqdishu, ayaa sheegaya in galinka dambe maanta la soo saari doono war-murtiyeed ku salaysan waxyaabaha lagu hishiiyay.

Warsidaha GO oo soo xiganaya ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku sugan Villa Somalia, ayaa helay xogo hordhac ah oo ku saabsan arrimo xasaasi ah oo go'aan laga gaaray, taasoo ay ugu muhiimsantahay xilliga la qabanayo doorashada Madaxweynaha iyo midda Guddoomiyaasha Barlamanka labada Aqal.

Xogta, ayaa sheegaysa in madaxda Somalida isku raaceen in doorashada Afhayeennada labada Barlaman la doorto 05 January, 2017, halka tan madaxweynaha ay qabsoomi doonto 22 January ,2017.

Shuruudo lagu xiray cidda isu sharaxaysa Madaxweynaha Somalia

Wararka hordhaca ah ee uu helay Warsidaha Garowe Online, ayaa sheega in murashaxiinta madaxweynaha lagu xiray laba shuruud oo kala ah;

Inay bixiyaan $30,000 iyo

Inay u saxiixaan 20 Xildhibaan.

Arrimaha kale ee go'aanka madaxda Somalidu ka gaareen, waxaa kamid ah; Dacwadda ku saabsan Xildhibaanada mugdiga la galiyay doorashadooda, waxayna hogaamiyaashu laaleen dhammaan dacwadihii la isu haystay iyo go'aamadii ay soo saarayeen guddiyada doorashada, waxayna isku waafaqeen in arrinta loo daayo sida hadda ay tahay.

Tallaabadaas ayaa la macno ah in Xildhibaanadii Mugdigu ka jiray ku ansaxaan qaabkii loo doortay.

Xubnaha Aqalka Sare ee Muranku ka jiray;

Madaxda Somalida, ayaa sidoo kale muddo ka doodayay doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya gobollada Waqooyi kuwaasoo aan la caddayn astaanta ay yeelanayaa.

Xubnahan oo ka imaanaya gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, ayaa Puntland, waxay ka heshay hal kursi oo la siiyay beesha Warsangali, sidaasina waxay qoondo ahaan u helaysaa 12 Mudane.

Wixii faah faahin intaas dheer waxaan idiin soo gudbin doonaa marka ay soo baxaan go'aamada madasha oo la filayo in lasoo saaro galinka dambe maanta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM