Doorasho ka dhacaysa Cadaado & Xaaladda oo kacsan

Image

CADAADO, Soomaaliya - Garabka kasoo horjeeda Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelled "Xaaf", ayaa qorsheynaya in Cadaado ay ku qabtaan doorasho madaxtinimo 22-ka bishan October.


Warsidaha Garowe Online ayaa ogaaday in Hay'adda Fulinta (Xukuumadda) iyo Madaxtooyadda Soomaaliya oo aad u danaynayaan inuu isbedel dhanka hogaanka uu ka dhaco Galmudug, ay taageerayaan garabka doorashada qabanaya.


Garabka kasoo horjeeda Madaxweyne Xaaf oo ku xiran Muqdisho, ayaa hadda ku jira diyaar-garowga doorashada, oo uga harsan mudo hal maalin ah, iyadoo Xaaladda Cadaado ay aad u kacsan tahay.


Doorashada ayaa la qorsheeyay inay ka dhacdo Hotel-ka Axmed Shariif uu ka degan yahay Cadaado, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Xildhibaan badan oo katirsan baarlamaanka Galmudug.


Macluumaad kale oo uu helay GO ayaa sheegaya in Odayaal ay la kulmeen Axmed Shariif oo ah musharax Madaxweyne, oo dowladda wadato, islamarkaana ay ka codsadeen inuu joojiyo doorashada uu qabanayo.


Wararku waxay sheegayaan in Madaxweyne Xaaf uu dhiisha-gundiga isaga dhigayo, si uu uga hortago mowjadaha kusoo wajahan, ee doonaya inay cagta mariyaan maamulkiisa uu khilaafka ba'an hareeyay.


Mamaulka hadda ka jira magaalada Cadaado oo dhisan mudo 4 bilood ah, ayaa uu u kala jabay labo garab,iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya, oo horey u taageertay garabkii xilka ka qaadey Xaaf.


Khilaafka taagan iyo doorashada la qabanayo ayaa laga casbi qabaa inay keento dagaal ka dhaca Cadaado, oo mudo ahayd magaalo nabad ah, oo ka degan kuwa kale ee gobolka Galgaduud.


Xiriirka Xaaf iyo dowlada dhexe ayaa xumaaday markii Xukuumadda Federaalka la safatay Xildhibaanadii isaga xilka ka qaadey bishii lasoo dhaafay, wuxuuna joojiyay wada-shaqeyntii Muqdisho.


Dhanka kale, Xaaf ayaa ka qeyb-galay Shirkii Maamul goboleedyada dalka ay horaantii bishan ku yeesheen Kismaayo, kaasi oo lagu dhisay Golle-iskaashi, laguna joojiyay dib u eegista dastuurka dalka.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM

Soomaaliya oo qaylo-dhaan kasoo saartey colaada Bariga Dhexe

Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay xiisadda kasoo koror yay Bariga Dhexe.

  • Soomaliya

    15-04-2024

  • 05:56AM