Dowlad Carbeed oo dhexdhexaadin doonta dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta

Image

MUQDISHO- Kadib markii xiriirka u dhexeeya dowlada Federaalka Soomaaliya iyo wadanka Imaaraadka Carabta uu gaarey heerkii ugu hooseeyey ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya  in labadaan dal la dhexdhexaadin doono asbuucyada soo socda.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Axmad Ciise Cawad oo la hadlay Idaacada VOA qaybteeda Af-Soomaaliga ayaa sheegey in dal ka tirsan ururka Jaamacada Carabta dhexdhexaadin doono wadanka Soomaaliya iyo Imaraadka.

Wasiirka oo la waydiiyey dalkaan ayaan beenin warar sheegaya in dalka Sucuudiga u fidiyey gogosha lagu wadahadalasiinayo dowlada Federaalka ah iyo Imaraadka Carabta iyadoo qodobada laga wadahadli doono ugu sareeyo heshiiska shirkad DP World la gashey maamulka Somaliland iyo dalka Ethiopia.

Axmad Ciise Cawad ayaa Idaacada u sheegey in dowladiisa dacwad ka gudbisay wadanka Imaraadka gaar ahaan shirkada DP world kadib markii heshiis la gashey maamulka Somaliland.

Cawad oo kamid ahaa waqtigii Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ku weheliyey booqashadii uu ku tagey dalka Imaraadka Carabta dabayaaqadii bishii la soo dhaafey ee February ayaa dadweynaha uga jawaabey su’aalo la xiriira xiriirka labadaan dal ee xumaadey.

Wasiirka arimaha dibada oo la waydiiyey hadii  dowlada Federaalka cabashooyin ka qabto wadanka Imaraadka Carabta sababta ay ugu yeeri la’adahay safiirka u fadhiya dalkaan Soomaaliya ayaa sheegey in uusan dalka joogin kana maqan yahay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safiirka dalka Imaaraadka u fadhiya dalka Soomaaliya la kulmay February 2,2018 isagoo kala hadlay arimo muhiim ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM