Dowlada Somalia oo loo gudbiyey qodobo Dastuurka laga badaley

Image

MUQDISHU, Somalia- Golaha wasiirrada Soomaaliya oo kulan gaar ah yeeshay ayaa loo gudbiyay qodobo ka mid ah dastuurka Soomaaliya oo isbadal lagu sameeyay. 

Shirkan gaarka ah waxaa shir guddoominayay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke. 

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra'iisul-wasaaraha ayaa lagu sheegay in kulanka looga dooday geedi socodka dib u eegiskta dastuurka oo meel gabo-gabo ah maraya. 

Wasaaradda Dastuurka, guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa la sheegayaa inay wax ka baddaleen ilaa 10 qodob oo ka mid ah dastuurka KMG ee Somalia. 

Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, wasiirka dastuurka ayaa golaha wasiirada u  soo bandhigay qodobadii isbadalka lagu sameeyey, waxaana golaha wasiiradda laga filayaa inay eegaan kadibna fikir ka soo dhiibtaan. 

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay in marka la dhamaystiro dib-u-eegista Dastuurka KMG ah loo gudbin doono Baarlamaanka isla markaana loo bandhigi doono shacabka Soomaaliyeed. 

Wax ka badalista Dastuurka ayaa sababtey in muran ka dhex dhaliso dowlada Somalia iyo dowladaha qaybta ka ah dowlada Federaalka kuwasoo ku eedayaa madaxda dalka iney magacabaan guddiyo aan matalin dadka daga degaanadaas. 

Talaabadaan ayaa imaaneysa xilli muran ka taagan yahay qaabka doorasho ee Somalia taasoo beesha caalamka tageertey balse ay ku gacan sayrtey dowlada Puntland iyo shacabkeeda. 

VOA+ GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM