Dowlada Mareykanka oo cadaadis saartey Madaxweyne Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida warsidaha Garowe Online ogaadey, waxaa jira cadaadis dowladda Mareykanka, gaar ahaan safiika u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto uu ku saarayo Madaxweyne Farmaajo inuu la shaqeeyo maamulka Jubaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Cadaadiskaan ayaa xoogeystey wixii ka dambeeyay markii safaarada Mareykanka aqoonsatey natiijadii ka soo baxdey doorashadii madaxtinimada Galmudug taasoo uu ku guuleystay Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-Qoor], oo horey uga mid noqday xukuumadda Khayre, oo uu ka ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda howlgalaha guud.

Ambassador Yamamoto, safiirka Mareykanka ayaa taageeridiisa doorashadda Galmudug kala kulmey eedeymo uga yimid siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanada Galmudug iyo xisbiyadda siyaasadeed ee dalka.

Dowlada Mareykanka oo diirada ku haysa la dagaalanka Al-Shabaab ayaa bilihii ugu dambeeyey wadey dadaalo ay isugu soo dhoweyneyso maamulada iyo dowlada Fedraalka iyadoo sugeysay dhisamaha maamulka cusub ee Galmudug.

Intii uu Warsidaha Garowe Online ku guda jiray uruurinta macluumaadkan, waxay dowladda Mareykanka ay soo saartey war-qoraal ah, oo ay ugu baaqayso madaxda shanka maamul goboleed iyo dowladda Federaalka inay dib usoo celiyaan wadashaqeyntii ka dhaxaysay, islamarkaana ay iska-kaashadaan amniga, la dagaalanka Al-Shabaab iyo siyaasad loo dhan yahay, si dalka uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Waxay dowladda Mareykanka sidoo kale ku baaqday dib u heshiisiin iyo inay madaxda Villa Soomaaliya ee waqtiga kasii dhamaanayo iyo kuwa maamullada isagu yimaadaan kulan bilaha nagu soo wajahan.

Dowladda Federaalka oo horey u diiday inay la shaqeyso maamulka hadda ka jira Jubaland, ayaa wararka hoose ee uu helayo Garowe Online sheegaya in ay soo saari doonto war-saxaafadeed Axmed Madoobe Madaxweyni ugu yeeri doonto, shirka la filayana ay ku casuunto kadib cadaadis Mareykanka.

Mareykanka oo tageero ciidan siiya ciidanka Soomaaliya ayaa dagaal kula jiraa kooxda Al-Shabaab, oo dhowaan weerartey saldhig ciidankiisa ku leeyihiin degaanka Manda Bay, gobolka Lamu ee dalka Kenya.

Gudaha Soomaaliya, Mareykanka waxaa ka jooga ciidamo, qaarkood ka howlgala Jubaland, waxaana khilaafka siyaasadeed ee madaxda Villa Soomaaliya iyo maamullada u arkaa inuu curyaaminayo howlgalka la-dagaalka argagaxisadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cadaadis kala kulmaysa joogitaanka Ciidanka Jubaland ee Mandheera

Kenya ayaa ah saaxiib istiraatiji ah oo Jubaland ah, iyadoo KDF ay u adeegsaneyso sida aag buffer ah oo lagula dagaallamo kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-09-2025

  • 11:28AM

Jubaland: Dowladda federaalka Soomaaliya waxay ka leexatay ajendeyaasha qaranka

Eedeymahan ayaa imanaya iyadoo uu sii kordhayo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada.

  • Soomaliya

    02-09-2025

  • 09:22AM