Dowlada Somalia oo faragalin ku haysa Puntland iyo Somaliland

Image

Jan 16, 2016 (GO)- Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowlada Federaalka bilowdey iney faragalin ku sameyso arrimaha gudaha Puntland iyo Somaliland kadib markii wafuud u soo kala dirtey degamaadaas.

Gobolka Sool iyo Sanaag ayaa waxaa booqasho ku tagey maalmihii lasoo dhaafey wafuud ay hogaaminayaan Cali Khamliif Galeyr iyo xildhibanada Barlamanka ee kasoo jeeda goboladaas. Xubnahaan ayaa ka shaqeynaya sidii loo qaban lahaa shirweyne maamul mideysan loogu sameyn lahaa beelaha dega gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Booqashadaan xubnahaan oo markii hore ku tageen degaanka Balicad ayaa sababey in ciidamada Somaliland weerar halkaas ku soo qaadaan kuwasoo ka baacsadey halkaas xubnihii uu hogaaminayey Mudane Cali Khaliif Galeyr. Dowlada Somaliland ayaa dowlada Federaalka ku eedeysay falkaan iyadoo sheegtey in khalkhal galineyso arrimaha gudaha ee maamulkaas.

Cali Khaliif Galeyr oo in muddo ah sheeganayey madaxweynaha maamulka Khatumo ayaa aqoonsi uu ka raadinayey dowlada Federalka ayaa kulamo uu la qaatey madaxda Somalia kula taliyeen in shirar uu ka qabto degaanadaas islamarkaana soo mideeyaan shacabkooda.

Dhinaca kale magaalada Bosaso ee ah xarunta ganacsiga Puntland ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxaa ka socdey cabashooyin ka dhan ah maamulka madaxweyne Cabdiwleli Maxamad Cali Gaas kuwasoo ku wajahan hab qaybiga xillalka gobolka iyo qaabka loo biixnayo mashaariicda ka socota degaankaas.

Cabashooyinkaan ayaa ku wajahan sida loo maamuley qandaraasyo kasoo baxey garoonka cusub ee Bosaso, taliyaha qaybta Booliska "shaqadiisa", xilal kale ee dowli ah iyo dhul ay isku hayaan qabaa'il wada degan gobolka Barri kaasoo muran xoogan dhaliyey. 

"Cabshooyinkan oo ah kuwo jira ayaa hadana dowlada madaxweyne Xasan Shiikh ku soo dhuumaneysaa iyadoo adeegsaneysa shaqsiyaad u dhashey gobolka kuwaasoo Muqdishu ku xiran" sidaas waxaa Garowe Online u sheegey mid ka tirsan odayasha gobolka oo ku howlan dajinta xaaladaan.

Madaxweynaha dowlada Puntland oo ku sugan magaalada Kismayo ayaa la filayaa inuu dib ugu soo noqdo magaalada Bosaso halkaasoo la filayo inuu kulamo la qaato waxgaradka gobolka Bari oo sheeganaya musuq-maasuq baahsan oo ka socda gobolka.

Faragalintaan la sheegey in dowlada Federaalka ku hayso maamuladaan ayaa ku soo beegmeysa xilli madaxweynaha dowlada Federaalka olole ugu jiro sidii xafiiska ugu sareya Somalia mar kale dib loogu dooran lahaa isagoo arinkaan u adeegsanaya sidii uu dagaanaanshaha uga qaadi lahaa degaamada kale ee Somalia kuwasoo qaarkood diidan nidaamka 4.5.

Warsidaha Garowe online ayaa ogaadey in Farax Cabdulqaadir oo ah gacanta midig ee madaxweyne Xasan Shiikh uu madax u yahay howshaan faragalinta loogu sameynayo maamuladaan inta lagu howlan yahay shirarka looga arinsanyo arrimaha Somalia. - 

Dowlada Federaalka uu madaxweynaha ka yahay Xsan Shiikh ayaa horey faragalin balaaran ugu sameysay doorashooyinkii Puntland ka dhacey sanadkii 2014 iyadoo siyaasiyiin la tartameysay maamulkii markaas ka  dhisnaa halkaas soo siisey dhaqaale farabadan halka lacago kale ku bixisay is-hortaagii lagu sameeyey nidaamkii xisabayada badan ee laga hirgalin lahaa degaanadas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM

Soomaaliya oo qaylo-dhaan kasoo saartey colaada Bariga Dhexe

Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay xiisadda kasoo koror yay Bariga Dhexe.

  • Soomaliya

    15-04-2024

  • 05:56AM