Dowlada Somalia oo hoos-u-dhigtay saamiga ay ku bixineyso shidaalka

Image

MUQDISHO, Somalia - Todobaadkii hore dowlada Soomaaliya ayaa caasimada UK ee London ku qabatay shir looga hadlay shidaalka, kaasi oo lagu soo bandhigtay xogta kheyraadka wadanka oo ay sameeyeen labo shirkadood.

Shirkadaha Soma Oil & Gas iyo Spectrum oo sahminta sameeyay ayaa madasha ka keenay macluumaad dhameystiran, iyada oo si tasmi ah halkaasi looga dhawaaqay in ay bilaabatay tartanka loo galayo soo saarista.

Bisha November ee sanadkaan 2019 ayaa la rajeynayaa in ay bilaabato baratanka, diiwaan-gelinta shirkadaha iyo shaacinta shirkada ku guuleystay in ay soo saarto shidaalka, oo isla goobta looga dhawaaqayo.

Dhamaan howlahaasi waxaa maamuleysa Spectrum, maadaama ay iyadu hayso tafaasiisha oo dhan ee Shidaalka, ayna tahay shirkadii ugu dambeysay ee sahminta sameysay.

Sanadka cusub ee 2020-ka ayay si rasmi ah u bilaaban doonto soo saarista shidaalka, inkasta oo ay ku xirnaan doonto in qaranku yeesho kahor taasi sharciyada Bartoolka oo horyaala Baarlamaanka.

Khuburada arrimahaan si gaar ah ula socda ayaa walaaca ugu badan oo ay qabaan waxay ku tilmaameen in dowlada Farmaajo [DF] ay hoos-u-dhigtay saamiga ay ku bixineyso marka ay timaado shirkada soo saareysa iyo xukuumada.

Mid kamid ah mas'uuliyiintii hore ee wasaarada Bartoolka ayaa daaha ka rogay in qandaraaskii hore loola galay Spectrum uu ahaa in Somalia ay ku yeelato 85%, halka 25% ay yeelaneyso shirkada.

Balse, DF ayuu tibaaxay in ay gaarsiisay saamiga 65-55% oo dowlad ah, halka inta kale ay yeelaneyso shirkada soo saareysa shidaalka oo aanan wali gacanta lagu hayn, ayna jirin dalab u yimid.

Wasiirka Bartoolka xukuumada federaalka ah oo arrintaan wax laga waydiiyay ayaa si cad u diiday in uu bulshada la wadaago, balse, wuxuu ku adkeystay in uu jiro heshiis degan oo shirkad kasta la horgeynayo.

"Saamiga dowlada uu ka sareeyaa 50% midka shirkadana wuu ka hooseeyaa" ayuu C/rashiid Maxamed Axmed u sheegay VOA-da, isaga oo intaasi ku daray "Waa shaqo dowladeed, xafiiska ayuu yaalaa, waana la horgeynayaa shirkada kasta".

Xisbiyada mucaaradka ah iyo qayb kamid ah bulshada Soomaaliyeed ku sugan magaalada London ayaa dhaleeceeyay isbuucii hore talaabada dowlada, iyaga oo tibaaxay in la xaraashayo shidaalka, wallow ay beenisay xukuumada.

Wasiir Axmed ayaa beeniyay in shirkada Spectrum ay ka heleyn lacago si ay ugu fududeeyaan danaha ay leedahay.

Walaaca ugu badan oo ay qabaan dadka kasoo horjeeda dadaalada dowlada ee soo saarista shidaalka ah ayaa ah in dowladdu ay gasho heshiisyo aanu ka bixin karo, kuwaasi oo aaney faa'ido badan ugu jirin dadka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamsa oo maalgashiga dalka ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dagan Kenya

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo fursaha jira.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:20AM

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay Shir laba-geesood ah

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galey xubno ka socday labada dowladood oo ay kala hoggaaminayeen Xamse iyo Rigathi.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 03:32PM