Dowladda Jabuuti oo hoos u dhigtay Xiriirka Qadar

Image

Dowladda Jabuuti, ayaa shaacisay inay hoos u dhigtay xiriirkii Diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyay dalka Qadar, oo hadda cilaaqaadkii u jaray Wadamada kale ee Khilaajka Carabta.

Dalka Jabuuti oo kamid ah Jaamacaadda Carabta, ayaa xiriir dhaw la leh Dalalka xiriirta u jaray Qadar.

Go'aanka Jabuuti ayaa imaanaya iyadoo maanta dowladda Somalia meel dhex-dhexaad ah iska-taagtey Khilaafka u dhaxeeya Dalalka Khaliijka iyo Qadar, kaasi oo sii xoogeysanaya marba marka ka dambaysa.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia ayaa sheegay in Somalia ay ka walaacsan tahay Xiisadaha kDiblomaasi ee a taagan Khilaajka, waxaana ay ku baaqdey inay Wadahadal lagu dhameeyo Khilaafka.

Villa Somalia ayaa slagu yaqaaney inay la safato Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta, oo xiriir taariikhi ah kala dhaxeeya, waxaana sanadkii tagey xiriirkii u jartay dalka Iran, oo Sacuudiga ay isku dhaceen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM