Dowladda oo fariin u dirtay muwaadiniinta ka imaaneysa 14 dal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kadib markii muddo laba maalmood ah la fasaxay duulimaadyadda caalamiga ah, dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyey talaabo laga qaadayo dadka dalka soo galaya mudadaas.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumada federaalka ah ayaa xusay in dadkaas la marsiin hanaanka sharciga ee ka hortagga Coronavirus, kaasoo ah in ay galaan karan-tiil muddo 14 maalin.

Cabdullaahi Salaad Oomaar oo u waramay warbaahinta maxaliga ah ayaa tilmaamay in arrintaas loo sameynayo si loo kala saaro dadka sida caabuqaas dilaaga ah iyo kuwa kale ka badqaba xanuunka.

Dhanka kale, wasaaradda caafimaadka oo soo saartey bayaan ayaa muwaadiniinta ka imaaneysa 14 dal waxay ku tartarsiisey in ay iskood isku geliyaan karan-tiil.

Wadamada farta lagu fiiqay ayaa kala ah; Shiinaha, Yurub, Maraykanka, Koonfurta Kuuriya, Australia, Canada, Turkiga, Pakistan, Masar, Hindiya, Imaaradka Carabta, Malaysia, Sacuudiga iyo Koonfur Afrika.

Dalalkaan waxaa ka jira kiisas badan oo COVID—19 ah, iyaddoo cabsida jirta ay tahay in Soomaalida ka imaaneysa ay la nool yihiin cudurka.

Soomaaliya gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaa laga helay kiiskii ugu horeeyay 16-kii bishaan Maaj sanadkan 2020. Muwaadin aan la magacaabin oo ka yimid China ayaa la nool fayruska.

BAYAANKA WASAARADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM