​Dowladda oo hakinaysa Duulimaadka Garoonka Diyaaradaha Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Wasaaradda Gaadiidka Duulista Hawada Somalia ayaa sheegtay in la joojin doono dhammaan duulimaadyada Garoonka Diyaaradaha Muqdishu 22-ka Bishan, oo ah maalinta Caleemo-saarka Madaxweynaha Cusub Maxa'ed Cabdullaahi Farmaajo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda, oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay Warsidaha Garowe Online, ayaa lagu wargeliyay Shirkadaha Duulimaadyada in la hakinayo Duulimaadka 22-ka February.

Kaliya Diyaaradaha ay la socdaan Diblomaasiyiinta iyo Madaxda ka qeyb-galayso Caleemo-saarka Madaxweyne Farmaajo ayaa loo ogol yahay inay kusooo degaan Garoonka caalamiga ee Aden Adde.

Sababta ka damaysa joojinta Howlaaha Duulimaadyada Diyaaradaha Garoonka Muqdishu ayaa ah xoojinta amniga caasumadda, oo maalmahan ay ka dhacayaan Isbedello iyo dhisamaha dowladda cusub.

Maalinta Arbacada, 22-ka febuary, waa maalinta uu si rasmi ah uu Talada dalka ugula wareegayo Madaxweyne Farmaajo Xasan Sheekh Maxa'uud, oo mudo 4 sano ah Somalia soo maamulayay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM