Dowladda Somalia oo dayacday Isha ugu wayn ee canshuurta kasoo gasha

Image

MUQDISHO, Somalia - Dab baaxad wayn oo lagu guuleystay inaanu kusii faafin qaybo kale ayaa mar kale xalay qabsaday qaybo kamid ah Suuqa wayn ee Bakaaraha inkasta oo uu geystay khasaaro ubadan mid Hantiyaded.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warsidaha GO in dabkii xalay uu cagta mariyay xarumo ganacsi oo ubadan Carwooyin lagu iibiyo Maacuunta, kuwaasi oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.

Gaadiidka dab-damiska ee gobolka Banaadir iyo kuwa si gaar ah loo leeyahay oo ay wehliyaan shacab is xil-qaamay ayaa baq-tiijiyay Dabka, kaasi oo la rumeysan yahay inay dhalisay Koronto.

Waa markii 2aad oo sanadkaan gudahiisa uu Dab ka kaco Bakaaraha, oo ah suuqa ugu wayn Soomaaliya, iyada oo dowladda aanan jirin jawaab cad oo ay wax kaga qabaneyso arrintaan oo ay la timid.

- "Isha ugu wayn ee canshuurta dowlada" -

Canshuurta waa wax dal walba uu ku tiir-san yahay, balse, ma ahan Soomaaliya oo kaalmo ka heshay deeq-bixiyaasha inkasta oo xukuumada haatan jirta ay ku dadaaleyso sidii ay uga kaaf-toomi lahayd.

Sida ay qabaan xeel-dheerayaasha wadada kaliya ee looga maarmi karo kaalama dibada waa in shacabku ay bixiyaan canshuurta, iyaguna ay dowladdu ka helaan bedalkeeda oo ah amni iyo horumar.

Suuqa Bakaaraha waa Isha ugu balaaran oo ay dowladdu ka hesho canshuurta, laakiin waxaa muuqata inay dayacday ama uusan ka helin bedal oo ah inay ka ilaaliso Hantida canshuur-bixiyaasha wax kasta oo dhibaato ku ah.

Ma jiraan ciidamo gaar u ah suuqa oo dowlada ka amar-qaata kuwaasi oo suga nabad-gelyada, waxaana jirta ilaalo gaar ah oo ay sameysteen ganac-satada, kuwaasi oo amniga suga.

"Canshuurta inaan bixino diyaar ayaan unahay..balse, dowlada waxaan uga baahan nahay inay noogu bedasho waxaan ubaahan nahay oo ah amni," ayuu yiri kamid ah ganac-satada oo warsidaha Garowe Online u waramay.

- "Dhibaatada Al-Shabaab" -

Kooxda cilaaqaadka la leh shabakada Al-Qaacida oo Muqdisho iyo magaalooyinka ugu waawayn Soomaaliya laga saarey sanadkii 2011-kii ayaa la aaminsan yahay inay wali ku xoogan tahay suuqa Bakaaraha.

Ma jiro mas'uul dowladeed oo maalin cad ku dhiiran kara inuu tago Suuqaan, iyada oo ay intaasi dheer-tahay in lagu beegsado askarta canshuurta kasoo qaada ganacsatada, kuwaasi oo mararka qaar dila rayidka.

Dowlada ayaa qirtay inay Al-Shabaab lacago baad ah ay ka qaado ganacsatada Suuqa Bakaarana inkasta oo ay ku goodisay inay wax ka qabaneyso, hadana wasiirka Ganacsiga wuxuu cadeeyay inaanu isku xukun ahayn argagaxisada iyo dowlada.

Daacish ayaa dhinaceeda qayb ka ah Ururada baada ka qaadaya ganacsatada, inkasta oo uu jiro loolan u dhaxeeya labada garab, kaasi oo dhaliyay inay iska dilaan xubno muhiim ah, iyaga oo qaybo badan oo gobolada ah dalka ahna ku diriraya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiiskii soo saarista Shidaalka ee Turkiga

Heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay ka caawiso Soomaaliya dhanka wax soo saarka shidaalka.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 06:12PM

Farmaajo oo dib ugu laabtay Caasimadda Qatar ee Dooxa

Madaxweynihii hore ayaa toddobaadyo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 12:11PM