Dowladda Somalia oo ku adkeysanaysa go'aankeeda eryida Wakiilka QM

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa meesha ka saarey inay dowladda ka gelayso wadaxaajood go’aankii ay dalka kaga racdeysay mas'uulka ugu sareeya howlgalka UN-ka ee dalka.

Nicholas Haysom, ergayga Qaramada Midoobay lasoo magacowday bishii September ee sanadkii hore ayaa lagu eedeeyay jabinta xeerarka diblumaasiyada iyo inuu isku qaatay hogaamiyaha Soomaaliya.

"Go’aanka laga qaatay Heysom waa mid kama dambeys ah, inaga wax badan oo ku filan waynu dulqaadanay," ayuu wasiir Cawad yiri isaga oo la hadlaya Barnaamijka "Focus on Africa" ee telafishinka BBC-da.

Jawaabtaan ayuu wasiiru bixiyay markii la su’aalay hadii xukuumadda Muqdisho ay albaabada ufureyso inay wadahadal ay kala gasho QM go’aankeeda, taasi oo noqotay mid dunida si wayn uhadalheyso.

Talaabada lagu amray Heysom inuu dalka ka baxo ayaa timid markii uu ku dhaleeceeyay dowladda xariga Roobow iyo dhimashada 15 ruux oo ka dhashay banaan-baxyo rabshado watay oo bishii December laga soo wariyay Baydhabo.

Qoraal uu soo saarey ayuu shaki ku geliyay sharciyada xariga ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab, isaga oo ka dalbaday wasaarada amniga inay tafaasiil dheeri ka bixiso howlgalka iyo ciidamada qaaday.

Roobow ayaa ahaa musharaxa ugu cad-cad inuu kusoo baxo doorashada, balse, Villa Soomaaliya oo taasi ka duulaysa ayuu tan iyo xiligaasi ku haysa xarunta ugu wayn sirdoonka dalke ee magaalada caasimada ah.

Siyaasiyiinta iyo shacabka Muqdisho oo ka fal-celiyay talaabada lagu eryay Heysom ayaa ka bixiyay aragtiyo kala gedisan - qaar soo dhaweeyay, kuwa ka hor-yimid iyo qaar soo jeediyay in la heli kara wado kale.

Sikastaba, waxaa aad loo dhowrayaa jawaabta uu Gollaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu ka bixiyo go'aanka dowlada Soomaaliya, iyada lla filayo in saacadaha soo socda ay isugu yimaadaan kulan aan caadi ahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM