Dowladda Soomaaliya oo beenisay war kasoo baxay Imaaraadka [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay Wareysi uu dhawaan bixiyay Wasiir katirsan dowladda Imaaraadka, kaasi oo lagu sheegey xogg cusub aan horey loo ogeyn.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibada Imaaraadka Anwar Gargaash ayaa sheegay in heshiiska maalgashi ee Dekada Berbera ay la galeen Dowladii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyay hadalka Gargaash, isagoo hoosta ka xariiqay in Imaaraadka illaa hadda aysan usoo bandhigin dowladda Federaalka Soomaaliya Heshiiska, hadii uu yahay mid rasmi ah.

"Imaaraadka illaa hadda nama tusin wax Heshiis ah oo la galay dowladda Soomaaliya ama Xukuumadihii hore, wuxuu Wasiiru dowlahu sheegay inuu jiro Tafaahum. Heshiis iyo Tafaahum waa kala duwan yahay," ayuu yiri Cawad.

Wasiir Cawad ayaa xusay in hadii uu jiro heshiis lagu galay mar hore magaca dowladda Soomaaliya ay tixgelinayaan, xitaa hadii uu yahay midka is-afgarad ah ee [Memorandum of Understanding (MoU)].

Hadalka Cawad ayaa yimid kadib markii Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Anwar Gargaash uu sheegay inaysan Somaliland u aqoonsanayn dal madaxbanaan, islamarkaana heshiiska Berbera la galeen dowladda hore ee Soomaaliya ee uu hogaaminayay Xasan Sheekh.

Isagoo ka duulaya hadalka Gargaash, Cabdiraxmaan Cirro, gudoomiyaha Waddani ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Axmed Siilaanyo Khiyaano qaran, kadib markii ay qariyeen xaqiiqda Heshiiska.

Wadahadal hoose ee u socda Imaraadka iyo Soomaaliya aya sida wararka aan ku heleyno waxaa qayb ka ah dowlada Mareykanka iyo Ethiopia kuwasoo natiijada kasoo baxaysa ay aad u gaabineyso.

Imaraadka ayaa aad ugu xumaadey falkii dowlada Federaalka kula kacdey diplomasiyiinta wadankeeda kadib markii lacag mushahar ahaan loogu wadey ciidamada Soomaaliya hay’adaha amniga ee ka howlgala garoonka diyaaradaha Muqdisho la wareegeen.

Warar diplomaasiyeed uu warsidaha GO heley ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo si qabow dowlada Sucuudiga ugu soo dhoweysay markii uu ka qayb galayey kulankii ay dalkaas ku lahaayeen wadamada ururka Jaamacada Carabta ku midoobey taas oo welwel ku abuurtey Villa Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, ayaa ka dhaxeeya khilaaf kaasi oo gaarey halkii ugu sareysay kadib markii 8-dii bishan lagu qabtey Garoonka Muqdisho diyaarad ka timid Abu Dhabi oo siday lacag loogu tala-galay in lagu caawiyo Ciidamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM