Dowladda Soomaaliya oo go'aan kasoo saartay Shirarka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa go'aan kasoo saartay maanta oo Isniin ah shirarka gaarka ah ee lagu qabto magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow oo ka hadlay maanta Shir jaraa'id isaga iyo Xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir si wadajir ah ugu wada qabteen Muqdisho ayuu ku shaaciyay go'aanka dowladda.

Islow ayaa dabaalka ka qaaday in aan la qaban karin Shir aan dowladda, gaar ahaan wasaaradda amniga ama maamulka gobolka Banaadir aan looga soo fasax-qaadan.

Amarkan ayaa soo baxay saacado kadib markii ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa NISA ay howlgal ka fuliyeen xalay Guriga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku yaalla nawaxiga Hotel Jazeera.

Howlgalkan ayaa waxaa ku dhintay lix Askari oo kamid ahaa ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur, isagana dhaawac ayaa kasoo gaarey, waxaana lagu xiray xabsi ay leedahay Hay'adda Nabad Sugida.

Dowladda ayaa Cabdiraxmaan ku eedaysay in Gurigiisa lagu abaabulayay dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Xukuumadda Khayre, oo Xildhibaanno badan kawadaan mooshin lagu ridayo kaasi oo baarlamaanka loo gudbinayo marka uu furmo kalfadhigiisa 3aad.

Hoteeladda Muqdisho ayaa qaarkood islamarkiiba dhaqan geliyay qaabilaadda Kulamada aan ogolaanshiyaha looga haysan Wasaaradda amniga ama maamulka gobolka Banaadir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM