Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay Askar uu tababaray Imaaraadka [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay in uu la wareegay Askar ay tababar siisay dowladda Imaaraadka Carabta.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay inay si rasmi ah ula wareegeen saldhiga Jeneral Gordad, Askar uusan cadadkeeda sheegin iyo agab military oo ay ku jiraan 25 baabuurta dagaalka ah.

Caanood ayaa tilmaamay in wixii maanta ka dambeeyay ay dowladda Federaalka qaadey mas'uuliyadda tababar iyo mashaaraadka Ciidamada ku sugan Saldhigga kadib markii Imaaraadka uu tababariyaashiisa kala baxay todobaadkii tagey.

Kulliyadda Tababarka Jeneraal Gordan ayaa waxaa aas-aastay 2014 dowladda Imaaraadka uu tababar ku siiyay in ka badan 2,000 [Labo Kun] oo Askari kuwaasi oo hadda ah kuwa ugu tayada fiiican Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Ciidamadii tababarka ku qaatey Xerada ayaa loogu magac-daray Guutada Daljir, iyadoo Taliye Caanood uu uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka inay u dhameystirtay Askartan qalabkii iyo hubkii ay ku howlgali lahaayeen.

Jeneraal Caanood ayaa dhanka kale beeniyay warar soo baxay oo sheegay in Xerada qalabkii yaallay ay boob u geesteen Ciidamo katirsan dowladda, kadib markii ay ka guureen Tababariyaashii dalka Imaaraadka ka socday.

Dowladda Imaaraadka ayaa Todobaadkii tagey ku dhawaaqday inay joojisay howlihii tababarka ee ay ka waday Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho kadib markii uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA: 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muranka SOMTURK: Kalluumeysiga oo saldhig u noqday danaha Turkiga ee Soomaaliya

Lix maalmood ka hor saxiixa heshiiska, 11-kii Diseembar, waxaa Soomaaliya….

  • Soomaliya

    15-09-2026

  • 02:36PM

Turkiga oo soo tarxiilay dhalinyaro Soomaali ah

Dhalinyarada Muqdisho lagu soo celiyay ayaa la sheegay inay isugu jiraan 25 wiil iyo 25 gabdhood, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.

  • Soomaliya

    15-09-2026

  • 11:51AM