Dowladda Soomaaliya oo lala xiriiriyey "shirar lagu hurinayo colaad"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa "ku lug leh shirar lagu hurinayo colaad iyadoo is hor taageysa shirar bulsho oo danaha dadka iyo dalka looga tashanayay," sidda laga soo xigtay Madasha Xisbiyadda Qaran.

War-saxafadeed kasoo baxay Madasha oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay falkii dhalinyaradda lagu xasuuqay ee ka dhacay degaanka Gololey ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hoos ka akhriso bayaanka

Madasha Xisbiyada Qaran oo eed culus u jeedisay hoggaanka dowladda fedraalka ayaa ka digtay in dalka uu dagaal sokeeye ka dhaco - War Saxaafadeed

War-Saxaafadeed deg deg ah oo goordhow ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa walaac looga muujiyay dagaallada sokeeye ee soo noqnoqday ee ka dhacaya deegaannada Soomaaliyeed.

Madashu waxay caddeysay inay u taagan tahay nabad u raadinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed, iyadoo xustay in gacmo siyaasadeed uga muuqdaan dagaallada soo noq-noqday ee ka dhacaya deegaanno kala duwan oo dalka kamid ah.

"Madashu waxay u aragtaa inay gacmo siyaasadeed ku lug leeyihiin colaadaha soo noqnoqdey. Madashu waxay u taagan tahay Dhiirigalinta nabadda, xasiloonida iyo dariswanaagga, Ilaalinta sharafka, dhiigga, maalka shaqsiga iyo karaamada umadda Soomaaliyeed, waxayna bulshada ku dhiirigalinaysaa ka fogaanshaha hadallada xanafta
leh ee kicin kara ama dhaawici kara dareenka dadka iyo ka baaqsashada hurinta colaadaha" ayaa lagu yiri War-Saxaafadeedka Madasha ka soo baxay.

MXQ oo adkeysay siday uga xun tahay, uga soo horjeeddo, una cambaareyneyso falalkii arxan darrada ahaa ee lagu xasuuqay Muwaaddiinniinta Soomaaliyeed ee lagu laayay deegaanka Gololey ayaa dalbatay in cadaaladda la hor keeno raggii dareeska ciidamada qaranka ku labisnaa ee dhaqaatiirta arxan darrada u dilay.

Madashu waxay DF uga digtay abaabulka shirar lagu hurinayo colaad iyadoo is hor taageysa shirar bulsho oo danaha dadka iyo dalka looga tashanayay, waxaana si toos ah dowladda fedraalka loogu eedeeyey dagaalladii ka dhacay Muqdisho, Sh/Hoose, Sh/dhexe, J/Hoose, Hiiraan, Galguduud, Mudug, iyo degmooyin kamid ah Dawlad Deegaanka Soomaalida gaar ahaan degmooyinka Raaso, Sallaxaad, Doollo iyo qaybo kale oo kamid ah Dawlad Deegaanka Soomaalida.

Gaba gabadii waxay Madasha Xisbiyada Qaran ugu baaqday hoggaanka DF inuu joojiyo dagaallada siyaasadeed iyo midka ciidan ee ka dhan ah dowlad goboleedyada, waxaana farriinta u dambeysa lala wadaagay wax garadka Soomaaliyeed iyo dowlad goboleedyada oo loogu baaqay inay u istaagaan doorkooda ku aaddan daminta colaadaha sokeeye.


Dhanka kale, ma jiro wax jawaab ah oo xukuumadda federaalka ah ay kasoo saartay eedeynta culus ee kaga timid Madasha Xisbiyadda oo ay ku mideysan yihiin lix kamid ah xisbiyadda siyaasadeed ee waddanka.

Madaxda dowladda haatan ka jirta Soomaaliya oo mudda xileedkoodu dhamaad ka yahay ayaa wajahaya eedeymo kala duwan oo la xiriira doorashooyinka 2020-21 iyo in ay ka shaqeynayaan falal ay ku baadigoobayaan muddo kororsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM