​Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dileen 20 katirsan Shabaab

Image

MUQDISHU- Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegay in xalay ciidamada kumaandoosta Soomaaliya howlgal ka fuliyeen deegaanka Berxaani, kaas oo magalada Kismaayo koonfur galbeedka Kismaayo kaga beagn 60km,

Howlgalka, ayaa sababay iska hor imaad dhexmara labada dhinac, waxaana saraakiil katirsan dowladda noo xaqiijiyeen geerida 20 katirsan mallayshiyada Al Shabaab, waxaana dhulka la mariyay saldhigooda deegaankaas iyo goob agy ku tababaran jireen.

Majirto waxa war ah oo kasoo baxay dhinac Al Shabaab, balse ciidamada dowladda ayaa ku laabtay saldhigyadoodii kadib 24 saac oo ay joogeen deegaanka Beerxaani.

Lama sheegin khasaaro soo gaaray dhinac ciidamada dowladda Soomaaliya, balse waxaa lagu soo beegay xilli maalmo kooban lagu joogo howlgalkii lagu dilay Dul-yaddayn iyo madax sare oo ururka Shabaab katirsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM