Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartey Qaraxii Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku dhawaad 10 qof ayaa ku dhimatay, halka 20 kale uu kasoo gaarey dhaawacyo kala duwan Qarax Ismiidaamin ah oo lagu weeraray Xarunta degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, Barqinimada maanta oo Axad ah.

Goobjoogayaal ayaa ku waramaya in weerarka uu saameeyay Dugsi Quraan iyo Masaajid aad ugu dhowaa halka ay wax ka dhaceen, halka burbur xoogan uu gaarsiiyay xarunta degmada iyo Dhismayaashii ka akdhawaa halka uu Qaraxu ka dhacay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dusha saaratay masuuliyadda weerarkaan, iyada oo daboolka ka qaaday inay ku dishay Askar iyo shaqaale, iyada oo intaas ku dartay in xiliga uu weerarku dhacayey lagu waday inuu shir ka qabsoomo xarunta.

Dowlada Soomaaliya oo weerarkaan is-qarxinta ah war kasoo saartay waxay tacsi u dirtay Ehellada dadka ku dhintay, iyadoo ku eedaysay Al-Shabaab inay beegsato goobaha ay dadku isugu yimaadeen, waxayna ku baaqday in meel looga soo wada jeesto.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Xildhibaan Aadan Isaaq ayaa wuxuu sheegay in dowladda ay ka qayb qaadan doonto Olalaha dib loogu dhisayo Dugsiga Quraanka iyo waliba Masaajidka uu Qaraxu saameeyay.

Dhanka kale, Afhayeenka Gobolka Banaadir, Saalax Xassan Cumar ayaa sheegay in weerarkaan lagu dilay 3 Askari, kuwaasoo ahaa Ilaaladda xarunta degmada Howlwadaag, wuxuuna hadalkiisa ku daray inay tiradda dhaawac ah ay intaasi ka badan tahay.

Qaraxaan ayaa imaanaya xili amaanka Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho lagu wareejiyay ciidamo Boolis ah, taasoo ka dambeysay weeraradii lagu qaaday Kontaroolka koowaad ee Villa Soomaaliya iyo waliba xarunta Wasaarada Amniga Gudaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM