Dowladda Soomaaliya oo "xirtay" mas'uuliyiin taabacsan Ahlu Sunna

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Ciidanka ay dowladda Soomaaliya geysay Dhuusamareeb ayaa lasoo wariyey in ay xabsi u taxaabeen mas'uuliyiin taabacsan ururka Ahlu Sunna Waljameeca.

Guddoomiyihii Ahlu Sunna ugu magacownaa magaala madaxda Galmudug iyo xubno kale ayaa la sheegay in la xiray, habeenimadii xalay.

Axmed Walad Cabdalla iyo shaqsiyaadka kale ayaa la tilmaamay in jeelka loo dhaadhiciyey xili ay kasoo baxeen xarunta Inji, fariisinka ugu weyn ee ururka Ahlu Sunna.

Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa talaabadaas. Balse waxaa kasoo baxaya fahfaahino kala duwan oo aan la hubin.

Warbixinadda ayaa tibaaxaya in ay la xiriirto amar kasoo baxay hogaanka Galmudug oo ah in la xakameeyo dhaqdhaqaaqa dadka gelaya xarunta Inji oo ku taala bartamaha magaaladda.

Ahlu Sunna ayaa diidey in ay aqoonsato doorashadii ay xukuumadda federaalka ku qabatay Dhuusamareeb 2-dii Febraayo, 2020, taasoo uu kusoo baxay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye.

Maalmo kahor doorashada Qoor-qoor, Ahlu Sunna ayaa ku dhawaaqdey in ay madaxweynaha Galmudug u doorteen Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, kaasoo howlihiisa caadiga ah iska wata.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM