Duleedka magaalada Kismaayo oo xalay lagu dagaalamay

Image

October 22, 2014 (GO)- Dagaal ayaa xalay saqdii dhexe duleedka magaalada Kismaayo ku dhex maray ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kooxo ka tirsan Ururka Al-shabab.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Al-shabab weerar gaadmo ahaa kusoo qaaday deegaanka Lugloow oo qiyaastii 20km magaalada Kismaayo waqooyiga kaga beegan, halkaaso ciidamada Jubbaland fariisimo ku leeyihiin.

Cabdinaasir Seeraar oo ah af-hayeenka Maamulka Jubbaland ayaa maanta warbaahinta maxalliga ah la hadlay, wuxuuna faah faahin ka bixiyey dagaalka xalay dhacay iyo weliba khasaaraha uu geystey.

Wuxuuna sheegay in ciidamadu si xooggan isaga caabiyeen khasaare badanna soo gaarsiiyeen kooxihii weerarka soo qaaday, isagoo taas sharaxayana waxaa hadaladiisii kamid ahaa:

" ciidamadeenu si xooggan bay isaga caabiyeen kooxihii weerarka soo qaaday....ugu yaraan shan baa laga diley tiro intaas ka badan oo dhaawac ahna way qaateen..waxan gacanta kusoo dhignay 11 maxbuus oo ka tirsanaa Al-shabab" 

Al-shabab ayaa weli ka talisa deegaano ka tirsan Jubbaland, waxaana dhowaan ciidamada Jubaland iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanayaa bilaabeen hawlgal ballaraan oo kooxda Al-shabab looga sifeynayo gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM