Duqa Muqdisho iyo Xildhibaan Fiqi oo mar kale gorada is-daray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaalanka afka ah ee u dhaxeeya gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa mar kale baraha bulshada ka dhex-qarxey.

Mudanaha ka tirsan Aqalka Hoose oo weerarka dhankiisa uu kasoo bilowday ayaa su'aal wuxuu geliyey shirarka amniga magaala madaxda looga hadlo ee uu qaban-qaabiyo maamulka C/raxmaan Cumar Cismaan [Eng Yariisow].

"Shirka amniga caasimadda iyo shirka amniga caloosha oo hal mar la isla qabtay, welina wadooyinka Halbowlayaasha MUQDISHO qaraxyadii waa ka jiraan, sababtuna waa iska muuqataa!!" ayuu yiri, isaga oo raaciyey "Ugu yaraan labada shir hala kala leexsho!"

Eedeyntan ayaa waxay imaaneysaa xili laba qarax oo Axadii ka dhacay caasimada ay galaafteen ku dhowaad 10 ruux xili dhaawaca uu sii cagageynayo in ka badan 25.

Eng Yariisow oo muddo laba saac ah ay ku qaadatay in uu u soo jawaabo ninka ay sida weyn baraha bulshadda ugu xifaaltaman ayaa ku tilmaamay Fiqi "qaswade ku farxa qaraxyada iyo amni darirada Muqdisho".

"Waa nasiib daro ah in Xil Ahmed Moallim Fiqi uu dhibsado shirarka Sugida Amniga Caasimada sida ka muuqata fariintiisa hoose. Qaswade waa kan ku farxa Qaraxa oo dhibsada dadaalada Amniga sida Fiqi oo kale. Allaha soo hanuuniyo si uu arko horumarka Caasimada".

Bishii April ee sanadkan 2019 ayay ahayd markii labadan mas'uul uu hardan dhanka afka ah uu ku dhex-maray baraha bulshada xiligaasi oo ay isku qabteen lacagaha kasoo xarooda gobolka iyo sida loo maamulo.

Muqdisho oo ay ku taalo kaabeyaal dhaqaale sida garoon diyaaradeed iyo dekad ayna wehliso cashuur laga qaado ganacsatada ayaa la sheegaa in ay tahay isha dhaqaale ee kaliya ku tiirsa tahay dowlada.

Balse dadka gobolkan degan ayaa ku doodaya in aysan helin wax bedel ah oo ay ka helaan dhanka dowladda waxayna ku tartarsiiyeen madaxda in arrintaasi dib loogu laabto isla markaana wax laga bedelo.

Madaxweyne Farmaajo oo dhowaan la kulmay mas'uuliyiinta gobolka Banaadir ayaa ku waaniyey in ay ka fogaadan musuqmaasuqa oo la tilmaamo in uu maamulka hareeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM