Duqeyn ka dhacdey fariisinka ugu weyn Al-Shabaab oo laga warbixiyey

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika [AFICOM] ayaa shaaciyey in duqeyn uu maanta ka geystay gobolka Jubadda Dhexe gaar ahaan nawaaxiga Jilib uu ku beegsaday xoogaga Al-Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in weerarkaan lagu dilay hal dagaalame oo Al-Shabaab, mid kalena ku dhaawacmay. Balse, laguma caddeynin bayaanka xilalka ay haayeen xubnahaas.

Sidda ku xusan qoraalka oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyey Garowe Online, xarun ay lahayd Al-Shabaab sidoo kale lagu burburiyey. Hase ahaatee, lama bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan shaqada xarunta.

AFRICOM ayaa xustay in ay ka war qabto sheegashooyinka ka yimid Al-Shabaab oo la xiriira in caruur lagu laayey duqeyntaas. "Waxaan xaqiijinay in shacab uusan waxba ku noqon howlgalkaas," ayay raaciyeen.

Chris Karns, agaasimaha arrimaha bulshadda ee AFRICOM, ayaa ka dhawaajiyey in ay ka go'an tahay xaqiijinta badqabka dadweynaha.

"Sheegasho walba oo soo gaartay AFRICOM kuna saabsan waxyeeladda shacabka, waxaan ku sameyn doonaa dib u eegis," ayaa lagu sheegay warka qoraalka ah, oo lagu tibaaxay in ay hogaan-samayaan shuruucda dunida.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa xarunta duqeyntaan lagu burburiyey ku sifeeyay "goob lagu keydiyo hub, laguna tababaro dagaalameyaasha" kooxda gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

Shalay ayay ahayd markii taliska AFRICOM uu qirtay in duqeyn uu isla Jilib ka fuliyey Febraayo sanadkan 2020 uu ku dilay hal qof oo shacab ah, mid kalena uu ku dhaawacmay, waxayna qiil ka dhigteen in aysan arkeyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM