Duqeyn lagu burburiyay Saldhig Al Shabaab [Imisaa lagu dilay]

Image

WANLWEYN, Soomaaliya - Militariga Mareykanka ayaa sheegay maanta oo Arbaco ah inay weerar kale oo cirka ah ay ka fuliyeen deegaan ay gacanta ku hayso Al Shabaab oo ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Africa [FARICOM], ayaa lagu sheegay in weerarka uu ka dhacay deegaan 96KM dhanka waqooyi galbeed uga beegan Muqdisho.

Wuxay ahayd Duqeyn ay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn [Drone], taasi oo bartilmaameedsatay xarun ay ku sugnaayeen Al Shabaab, waxaana ku dhintay dhowr xubnood.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle, ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in duqeynta Mareykanka ay ka dhacday Tuulada Iidow Jalaad, oo 30KM u jirta degmada Wanlaweyn.

Wuxuu intaasi ku daray in lix dagaalyahan oo Al Shabaab katirsanaa lagu dilay weerarka. Dhanka Al Shabaab wali kama soo bixin wax war ah oo ku aadan duqeynta Mareykanka uu sheegay.

AFRICOM ayaa sheegtay in weerarkan uu ahaa midkii 28-aad oo ay ka fuliyaan Soomaaliya sanadkan gudahiisa, kuwaasi oo lala eegtay Kooxaha Al Shabaab iyo dagaalyahanada xiriirka la leh Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari, ee Puntland.

Madaxweyne Trump ayaa bishii Maarso ee sanadkan bixiyay amar lagu kordhinayo duqeymaha Al Shabaab, si looga hortago khatarta Kooxaha argagaxisada ee ku wajahan danahiisa geeska Africa.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM