Duqeyn lagu burburiyay Saldhig Al Shabaab [Imisaa lagu dilay]

Image

WANLWEYN, Soomaaliya - Militariga Mareykanka ayaa sheegay maanta oo Arbaco ah inay weerar kale oo cirka ah ay ka fuliyeen deegaan ay gacanta ku hayso Al Shabaab oo ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Africa [FARICOM], ayaa lagu sheegay in weerarka uu ka dhacay deegaan 96KM dhanka waqooyi galbeed uga beegan Muqdisho.

Wuxay ahayd Duqeyn ay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn [Drone], taasi oo bartilmaameedsatay xarun ay ku sugnaayeen Al Shabaab, waxaana ku dhintay dhowr xubnood.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle, ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in duqeynta Mareykanka ay ka dhacday Tuulada Iidow Jalaad, oo 30KM u jirta degmada Wanlaweyn.

Wuxuu intaasi ku daray in lix dagaalyahan oo Al Shabaab katirsanaa lagu dilay weerarka. Dhanka Al Shabaab wali kama soo bixin wax war ah oo ku aadan duqeynta Mareykanka uu sheegay.

AFRICOM ayaa sheegtay in weerarkan uu ahaa midkii 28-aad oo ay ka fuliyaan Soomaaliya sanadkan gudahiisa, kuwaasi oo lala eegtay Kooxaha Al Shabaab iyo dagaalyahanada xiriirka la leh Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari, ee Puntland.

Madaxweyne Trump ayaa bishii Maarso ee sanadkan bixiyay amar lagu kordhinayo duqeymaha Al Shabaab, si looga hortago khatarta Kooxaha argagaxisada ee ku wajahan danahiisa geeska Africa.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM