Duqeyn rayid lagu laayey oo ka dhacday koonfurta Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Duqeyn ka dhacday nawaaxiga degmada Afgooye, oo hoostagta maamulka Koonfur Galbeed, waxaa lagu dilay afar oo rayid ah, sida uu sheegay mid kamida qaraabada dhibaneyaasha.

Isaga oo taageeraya dowlada iyo AMISOM, Mareykanka oo si joogto ah howlgalo uga fuliya gudaha Soomaaliya ayaa beegsada maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Cabdiqaadir Nuur iyo saddex kale ayaa Isniintii lagu duqeeyay tuuladda Laanta Buure e gobolka Shabeellaha Hoose, oo 45 KM Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho.

"Nuur iyo saddexda kale isla goobta ayey ku geeriyoodeen. Walaalkiisa Mahad Nuur gebi ahaanba wuu gubtay," ayuu yiri Cabdi adeerkiis Cabdullaahi Cali.

Cabdullaahi ayaa sheegaya in Cabdiqaadir uu kamid ahaa shaqaalaha shirka isgaarsiinta Hormuud, balse hay’addaasi ayaa iska fogeysay.

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika [AFRICOM] oo qirtay in weerarkaasi cirka ah ay fulisay ayaa shaacisay in xubnaha la dilay ay yihiin mitidiin.

"Wali ma hayno khasaaro shacab … dib u eegis ayaa ku sameyn doonaa, iyadda oo la helayo daraf saddexaad," ayay ku yiraahdeen war-saxaafadeed.

Al-Shabaab oo magaaladda caasimada ah ee Muqdisho laga saarey sanadkii 2011-kii ayaa wali joogitaan ku leh Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo dalka ayaa marar qaarkood waxay waxyeelo u geystaan dad shacab ah iyada oo horaantii sanadkaan ay qirtay AFRICOM in howlgal ay ka fuliyeen Bariire ay ku laayeen rayid badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM