Duqii Afgooye ee gobolka Shabelaha hoose oo qarax lagu diley

Image

AFGOOYE Jan 19, 2015 [GO]- Duqii degmada Afgooye Cali Caddow Cali ayaa maanta ku dhintay qarax miino oo lala beegsaday baabuur uu watay oo marayay jidka u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraaxaan oo ka dhacey degaan la yiraahdo Xaawo Cabdi ayaa waxaa ku dhintey Labo Askari [ ilaalo ] halka ay ku dhaawacmeen Sadex Qof shacab ah.

AHN Cali Caddow ayaa u socdey nolol maalmeedkiisa shaqo isaga oo ka yimid magaalada Muqdisho kuna socdey degmada Afgooye.

Ururka Al-shabaab ayaa qirtey mas'uuliyada weerarkaan lala beegsadey gaariga uu saarnaa duqa degmada Afgooyo.

Kooxda Al-Shabaab oo laga saarey magaalooyinka waaweyn ee ku yaala Koonfurta Somalia ayaa weeraro gaadmo la eegta ciidamada amniga iyo saraakiisha dowlada Federaalka ah ee Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM