Duulaankii guriga CC Shakuur: Xafiiska maleegay iyo doorkii Saadaq Joon

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dhowaan waxaa banaanka u soo baxday warbixin qeyb ahaan qarsoodi aheyd oo UN Monitoring Group ay bishii November 2018 u gudbiyeen Golaha Ammaanka Qaramadda Midoobay.

Warbixinta ayaa ku eedeyneysa Saadiq Cumar Maxamed [Saadiq John], oo hadda ah taliyaha booliska gobolka Banaadir horeyna u soo noqday madaxa sirdoonka gobolka, in uu geystay dilal qarsoodi ah.

Mid kamid ah eedeymaha ku jira warbixinta waxaa kamid ah in uu hogaaminayey weerarkii ay ciidanka dowladda 18-kii December 2017 ku qaadeen guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan, hogaamiyaha xisbiga Wadajir, ayaa falkaas ku waayay shan kamid ah ilaaladiisa kuwaas oo durba la aasey.

Jay Bahadur, xiriiriyaha Guddiga Khuburada Monitoring Group ee arrimaha Soomaaliya, oo ku saxiixan warbixinta, ayaa qormada ku sheegay in Saadiq John uu sidoo kale qaadey howgalo lagu fuliyey khaarijin daahsoon.

Jeremey Schulman, qareenka Saadiq, ayaa eedeymaha ku jiray warbixinta ku sifeeyay mid aanan lahayn "sal iyo caddeymo taxadarna aan laga sameyn" laguna "sumcad dilayo qof muhiim ka ah Soomaaliya".

Jawaabta Schulman oo loo dusiyey warbaahinta ayaa su'aallo waxaa layska waydiinayaan cidda bixisay.

Mr Bahadur, oo VOA-da ay la xiriirtay, ayaa ku adkeystay maadaama warbixinta qarsoodi tahay inuu sharciga u diidayo in uu ka jawaabo su'aal kasta oo laga qabo eedeymaha ay soo bandhigeen.

- 25 daqiiqo -

Hoyga Cabdiraxmaan Cabdirashakuur Warsame oo sidoo kale ah xarunta xisbiga Wadajir ayaa la beegsaday xili habeen ah, waxaana howlgalka lagu qaadey uu qaatay muddo 25-daqiiqo ah oo lagu xiray siyaasiga laguna dilay ilaaladiisa.

Wasiir hore, Cabdiraxmaan, ayaa warqadda difaaca qareenka, wuxuu ku qeexay "mid aanan lahayn wax caddeymo ah" lana doonayo in lagu bariyeelo Saadiq John "oo habeenkaas uu isaga hogaaminayey howlgalka".

"Saadiq hogaanka howlgalkaas habeenkaas isagaa qaabilsanaa, cidda ka sareysay, cidda ka dambeysay iyo cidda amarka soo siisay waa lawada og-yahay, aniga waxaan ku marqaati furayaa in uu isaga hogaaminayey".

Schulman oo muujiyey in uu "ka xun yahay dhibaatada raadka ku yeelatay Cabdiraxmaan" ayaa ku diiday eeda siyaasiga, wuxuuse carabka ku dhuftay in howlgalkii lagu weeraray guriga "laga maamulayey xafiiska NISA".

- "Madaxweynahan u socdaa" -

Siyaasi Cabdiraxmaan oo ku adkeystay in Saadiq John uu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarkii lagu ekeeyay hoygiisa ayaa dib u celiyay xusuustiisa, isaga oo soo bandhigay wixii dhacay habeenkii duulaanka.

"Irida ayuu soo garaacay, ninka aniga ii ah waardiyaha gaarka ah ayaa ka furay wuxu yiri 'Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaan rabaa' waliba erayga ah 'madaxweynahan u socdaa' ayuu isticmaalay," ayuu raaciyey.

Sidda laga soo xigtay Cabdiraxmaan, ruuxa albaabka ka furay Saadiq John ayaa wuxuu la suuxay haraanti uu irida kusoo dhuftay. Shaqsiga wuxuu dhulka yaalay tan iyo dhamaadkii howlgalkas "boogta ku noqotay Villa Soomaaliya".

"Saadiq waan maqlay, waan arkay meesha uu taagnaa ayaan ogahay, dharka uu watay nooca ay yihiin ayaan ogahay, kaligey ma ahan todoba qof iyo dad kale oo ayaa guriga joogtay, wax qarsoon maahan isagaa mas'uul ka ahaa".

- Markhaati -

Dadka uu markhaati ahaan u soo qaatay Jeremey Schulman ee kasoo muuqday warbixintiisa difaacitaanka Saadiq waxaa ku jira Cabdullaahi Sanbaloolshe, taliyihii hore ee sirdoonka balse aan xiliga weerarka xafiiska aan joogin.

Sanbaloolshe iyo Schulman ayaa kulmay. Waydiimaha kooban ee uu Abukaataha hordhigay Madaxii hore ee NISA waxaa kamid ahaa; goorta ay isbarteen Saadiq, dabeecadihiisa iyo qaabka shaqadiisa.

"Waxaan marqaati ku kacay waxay ahaayeen intii aniga iga khuseeysay, intii aan wada shaqeynaynay aniga iyo Saadiq. Wixii aniga iga dambeeyay oo dhibaato ah uu geystay ama howlgalada qaarkii wax aan ka sheegi karey ma jirin".

- Talaabooyin kale -

Xeer-ilaalinta Soomaaliya ayaa ku guuldareystay in ay qabato dacwad ka dhan ah Saadiq John oo ku saabsan kiiskan, waana sababta keentay in gal-dacwadeedka caalamka loo gudbiyo, sida uu tibaaxay Cabdiraxmaan.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir oo xusay in ay qorsheynayaan in ay dacwado kale ka furaan dibadda ayaa cod dheer wuxuu xukuumadda ku tartarsiiyey in "hadii Saadiq John uusan qaadin howlgalka ay sheegto cidda fulisay iyo amarka".

"Waligey goobjoog kama noqon weerar noocaas oo kale oo dhacaya, dabiiciyana howlgal sidaas oo kale ahna ma ahan howlgal ay askartu go'aamin karto waa howlgal meesha ugu sareysa kasoo go'aya," ayuu ku daray Sanbaloolshe.

Abukaate Schulman ayaa nan wali wax jawaab ah ka helin kooxda Jay Bahadur tan iyo markii ay gudbiyeen jawaabtooda difaacitaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa nan aqoonsaneyn Guddiga Khuburada Monitoring Group ee arrimaha Soomaaliya ee uu ka tirsan yahay Jay Bahadur.

Saadjq John oo aad ugu dhow madaxda taladda haysa ee Soomaaliya isla markaana dhowr jeer la dalacsiiyey ayaa sanadkan kamid ahaa wafdigii madaxweyne Farmaajo ee ka qeybgalay shirka guud ee UN-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo shaaciyay xilliga uu shidaal qadista ka bilaabayo Soomaaliya

Bishii March, Muqdisho iyo Ankara ayaa kala saxiixday heshiis la xariira dhinaca Shidaalka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dhinaca Gaaska.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 05:03AM

Dowladda Soomaaliya oo diidey soojeedin ka timid wadamadda G7

Dalabkan ayaa ahaa in uu wadaxaajood dhexmaro Muqdisho iyo Addis Ababa si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 04:40AM