Erdogan: Soomaaliya waxay Turkiga ka codsatay in uu u baaro shidaal

Image

ANKARA, Turkey – Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniinta maanta ah sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku casuuntay Turkiga in uu u soo saaro shidaal markii ay heshiis dhanka badda ah la galeen Libya.

Isagoo wariyeyaasha la hadlay kadib shirka Libya ee Berlin, Erdogan ayaa tilmaamay in Turkiga uu tixgelinayo martiqaadka Soomaaliya, balse ma uusan bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku aadan talaabada xigta.

"Waxaa jira dalab ka yimid Soomaaliya. Waxay nagu yiraahdeen: 'Badeena waxaa ku jira shidaal. Waxaad howlgalo ka sameyneysaan Libya, balse waxaad sidoo kale ka sameyn kartaa halkaan.' Tani waxay noo tahay mid muhiim ah," ayuu yiri, sidda uu baahiyey NTV.

Erdogan ayaa wuxuu ku daray: "Sidaas awgeed, waxaan qaadi doonaa talaabo ku saabsan howlgalkeena".

Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyaddoo muddooyinkii dambe ay kordheen weerarada ka dhanka ah Turkida ku sugan Muqdisho.

Turkiga ayaa tan iyo 2011-kii kamid ah dowladaha taageerada ugu badan siiyaa Soomaaliya, waxaase ku wehliya Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Labadii todobaad ee lasoo dhaafay, laba Turki ah ayaa la dilay, lix kelana waa la dhaawacay kadib markii lagu qarxiyey caasimada Soomaaliya. Shaqsiyaadkan waxay kamid ahaa shaqaalaha dhismaha jidka Afgooye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM