Ergooyinka Puntland iyo Dowladda Federaalka oo shirka ku kala kacey

Image

April 30, 2015 (GO)- Waxaa lagu kala kacay shirkii Dowladda Federaalka iyo Puntland uga socdey magaalada Garoowe.

Ergooyinka labada dhinac ayaa isaga baxay hoolka uu ka socdey shirku kaddib markii ay isku mari waayeen hal qodob.

Qodobka muranka dhaliyey ayaa ah mowqifka Dowladda Federaalka ee ku aaddan maamulka loo sameynayo gobollada dhexe.

Ergada Puntland ayaa dalbadey in kahor intaan loo gudbin ajendeyaasha kale ee shirka ay khasab tahay in Dowladda Federaalku caddeyso mowqifka ay  maamulkaas ka taagan tahay.

Dhank kale, ergada Dowladda Federaalka ayaa ku adkeystey in qodobkaas ka doodistiisa laga gudbo dibna loo dhigo.

Xubnaha kala metelaya Dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa dib wadatashi ugula laabtey Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Cabdiweli Cali Gaas.

Lama oga halka uu ka dambeyn doono khilaafkan cusub ee soo kala dhex galay PuNtland iyo Dowladda Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo si weyn looga xusay Soomaaliya iyo Caalamkaba

Shaqaalaha hay’adaha dowladda ayaa la fasaxay maalintan.

  • Soomaliya

    01-05-2024

  • 07:35AM

Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhambaal tacsi ah u dirtey Kenya

In ka badan 200,000 oo qof oo ku nool guud ahaan dalka Kenya ayaa waxaa saameeyay fatahaadda.

  • Soomaliya

    30-04-2024

  • 04:55AM