Ethiopia oo sheegtay in Duqeyn ay ku dishay 70 Al-Shabaab katirsan

Image

ADDIS ABABA - Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in ciidamadeeda cirka ay duqeyn cirka ah oo ay ka fuliyeen dalka Soomaaliya, kaasoo ay ku beegsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Duqaynta oo aysan Ethiopia sheegin halka ay ka fuliyeen iyo waqtiga, ayaa looga hortagay weerar Al-Shabaab ay qorsheynaysay inay ku qaado ciidamadeeda qaybta ka ah AMISOM.

Wakaaladda Wararka Eithiopia ee FANA ayaa baahisay in 70 xubnood oo kamid ahaa Al Shabaab lagu dilay duqeynta diyaaradeed, sidoo kalena lgu gubay labo gaari oo hub saarnaa.

Jeneraal Yilma Merdassa, oo ah taliyaha ciidamada cirka ee Ethiopia ayaa tilmaamay in duqaynta ay fuliyeen kadib macluumaad dhanka sirdoon ah oo ay heleen, kuwaasoo uu tilmaamay inay si wayn u odoraseen.

"Waxaan 100% aan gaarney hadafka qorsheena," ayuu hadalkiisa kusii daray, Genraal Yilma Merdassa, kaasoo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda Addis Ababa.

Ciidamadda Ethiopia ee ku sugan Soomaaliya ayaa qayb ka ah Howlgalka Nabad-illaalinta Soomaaliya ee AMISOM xili dalalka kale oo ay ciidamada ka joogaan wadankaan Geeska Afrika ku yaalla ay kala yihiin; Burundi, Djibouti, Kenya iyo Uganda.

Duqayntaan oo noqoneysa tii ugu horeysay oo nooceedda ah ay ka fuliyaan ciidamadda Ethiopia Koonfurta Soomaaliya ayaa imaaneysa xili dhowaan talisku ku dhawaaqay Guluf balaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasoo haatan socda.

Mareykanka ayaa ah dalka sida joogtada ah duqeymaha uga geysta gudaha Soomaaliya, iyadoo weeraradan qaarkooda ay shacabka kasoo gaareen khasaarooyin kala duwan.

Waxaa la rumeysan yahay in Mareykanka uu saldhigo qarsoodi ah uu ku leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan Jubbooyinka, Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ka jooga dalka ciidamo lagu qiyaasay 500 oo Askari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 5,000 oo Soomaali ah oo u tahriibay Yurub 8-kii bilood ee la soo dhaafay

Dalka waxaa ka jira xasilooni darro siyaasadeed iyo amni xumo, iyadoo kooxaha Al-Shabaab iyo ISIS ay nolosha ka dhigayaan mid adag.

  • Soomaliya

    29-10-2025

  • 09:19AM

Khabiirka UN: Soomaaliya wali waa dal nugul oo u baahan taageero joogto ah iyo wadahadal siyaasadeed

Khabiirkan Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay mudnaanta siiso ilaalinta xuquuqda aadanaha.

  • Soomaliya

    28-10-2025

  • 12:52PM