Ethiopia oo sii deysey saraakiil ka tirsan ONLF

Image

June 4, 2015 (GO)- Dowladda Ethiopia ayaa sii deysey labo sarkaal oo ka tisan ururka ONLF, kuwaasoo sanadkii hore sirdoonka Ethiopia ku qabteen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Af-hayeenka ONLF, Caddaani Hirmooge oo u warramay idaacadda VOA ayaa xaqiijiyey sii deynta labada sarkaal oo lagu kala magacaabo Sulub Cabdi Axmed iyo Cali Axmed Xuseen (Cali Dheere).

"raggan dowladda Ethiopia ayaa ka afduubatey sanadkii hore magaalada Nairobi...sii deyntooda waxaa ka qayb qaatey dowladda Kenya iyo diblumaasiyiin caalami ah" ayuu yiri.

Dadka ka faallooda siyaasadda Ethiopia ayaa ku tilmaamey tallaabadan mid soo dhoweyn mudan, maadaama labada dhinac tanaasul sameeyeen isagana soo dhowaanayaan sidii ay sanado kahor ahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM