Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo xalay Al Shabaab iyo Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ku dhexmaray deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu yimid kadib markii xoogag katirsan Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah kusoo qaadeen fariisin AMISOM ku leedahay meel wax yar ka baxsan Ceelasha Biyaha.

Labada dhinac ayaa dhex-maray iska hor-imaad mudo 30 daqiiqo ah socday, kaasi oo ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen in la iska-caabiyay dagaalyahanadii Al Shabaab ee weerarka soo qaadey.

Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka qeyb-qaatey dahaalka, oo gurmad u sameeyay Askarta Burundi, ee lagu weeraray Saldhigga AMISOM.

Lama oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM