Faahfaahin kasoo baxaysa qaabka loo fuliyey weerarkii Central Hotel

Image

February 21, 2015 (GO)- Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qaabka loo fuliyey iyo weliba cidda fulisey weerarkii shalay ka dhacay hotelka Central ee magaalada Muqdisho.

Wararka hordhaca ah ee warbaahintu heleyso ayaa sheegaya in weerarka oo is-miidaamin ahaa ay fuliyeen labo qof oo kala ah haweeney iyo nin ka tirsanaa shaqaalaha hotelka.

Gabadha is-qarxisey oo lagu magacaabi jirey Luul Axmed Nuur islamarkaana haysatey dhalashada dalka  Netherlands waxay ka hawlgelaysey xafiiska qaabilaadda (Reception-ka).

Wararku waxay intaas ku darayaan in labada qof ee weerarka fuliyey is qabeen.

Sidee weerarku u dhacay?
Qaraxa koowaad waxaa geystey ninka, wuxuuna adeegsadey gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo horay loo sii dhigey meel u dhow masjid ku dhex yaalla hoteelka oo xilligaas dad boqol kor u dhaafayaa salaadda Jimcaha ku takadeen.

Khasaaraha ugu badan ayaa ka dhashay qaraxa koowaad wuxuuna sababay in masjidku qayb ahaan soo dumo.

Qaraxa labaad oo haweeneydu fulisey wuxuu dhacay wax yar kadib kan hore, waxaana  bartilmaameedkiisu ahaa dadka ka badbaada qaraxa gaariga ee usoo cararayey dhanka albaabka weyn ee hotelka. Madaxeeda oo ku duuley meel aad uga fog halka qaraxu ka dhacay ayaa sahlay in wejigeeda si fudud loo aqoonsado.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa guddi u saarey inay soo baaraan xog dhameystiranna ka keenaan qaraxa iyo weliba qaabka loo fuliyey, waxaa sidoo kale laamaha ammaanku qabteen 12 kamid ah shaqaalaha hoteelka kuwaasoo xilligan baaritaan lagu wado.

Weerarkan ayaa ahaa mid in muddo ah la qorsheynayey islamarkaana fuliyeen dad la aaminey oo ay adkayd in marna laga shekiyo.

January 22, 2015 ayey ahayd markii sidan oo kale weerar is-miidaamin ah loola eegtay Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho. Sirdoonka Dowlada Federaalka ayaa shaaciyey in ninka weerarkaas fuliyey oo lagu magacaabi jirey Maxamuud Cismaan Jicmaale haystey dhalashada dalka Switzerland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM

Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiiskii soo saarista Shidaalka ee Turkiga

Heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay ka caawiso Soomaaliya dhanka wax soo saarka shidaalka.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 06:12PM