Faahfaahin Khasaaraha ka dhashay Qarax Muqdisho ka dhacay [Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Gaari oo barqadii maanta oo Arbaco ah ka dhacay bartamaha magaaladda Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa mid lagu soo xiray Gaari nooca NISSAN SURF oo uu watey Sarkaal katirsan booliska dowladda Soomaaliya, oo lagu magacaabo C/raxmaan Cismaan Koronto.

Gaariga ayaa ku qarxay wadada Makka Al-Mukarama dhinaceeda, iyadoo Sarkaalka watey oo xilliga qaraxayay uu ku jiray Goob ganacsi oo ku taalla meel ku dhaw Isgoyska Shaqaalaha.

Sarkaalkan ayaa ka badbaaday isku dayga dilka ee la doonayay in lagu khaarijiyo, balse waxaa ku dhaawacmay labo qof oo shacab ah, oo xilligaasi goobta marayay, sida ay xaqiijiyeen Goobjoogiyaal.

Jugta qaraxa ayaa ahayd mid culus oo laga maqlay meelo fog oo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana goobta xiray ciidamo booliska ay oo baaritaan sameeyay.

Booliska dowladda ayaa u diiday Gaadiidka Gurmadka ee Aamiin Ambulance inay tagaan goobaha ay qaraxyada ka dhacaan, xilli aaney dalka ka jirin Ambulance dowli ah oo dadka u gurmada. [AKHRI WARKAN].

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa kaasoo kusoo beegmaya xilli booliska dowladda ka joojiyay gaadiidka gurmadka Degdega inay tagaan goobaha qaraxyada ee caasimadda.

Iyadoo ay dowladda xirtay wadooyinka Muqdisho, islamarkaana dhigtay ciidamo dheeraad ah, ayaa haddana ay si joogto ah u dhacayaan qaraxyada iyo dilalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM