Faahfaahin qorshaha dib loogu dhisayo ciidamada Somalia [ AKHRI]

Image

Qoraalkii kasoo baxay kulankii u dhexeeyey dowlada Federaalka iyo maamulada Somalida ayaa lagu sheegey in ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed (SNA) tiradooda noqon doonto  18,000 oo askari kuwaasi aysan ku jirin ciidamada Danab oo sida gaarka ah u tababaran, cidmada cirka iyo Badda.

Tababarka ciidmadaan ayaa ka dhici doona dalka gudihiisa iyadoo howshooda lagu dhameytiri doono muddo Lix bilood ah oo ka bilaami doonta 1 June, 2017.

Ciidamada SNA ayaa hoos imaan doona wasaarada difaaca dowlada Federaalka Somalia iyadoo qaabilsanaan doonta tababarkooda iyo qalabeynta ciidmaadaan.

Dhinaca kale qoraalkaan ayaa lagu sheegey in tirada guud ee ciidamada Booliiaka Somaliyeed noqon doonaan 32,000 askari kuwasoo u qaybsanaan doona kuwa hoos yimaada Federaalka halka maamul goboleedyada tiro kale laga xakumi doono.

Waxaa jiri doona oo kale sida qoralkaan lagu xusey in ciidamada ilalaalinta xeebaha u qaybsanaan doonaan heer Federaal iyo maamul goboleedyada iyadoo la sheegey in qaab loo dhisayo la sheegi doono mar dambe.

Ciidamada Xoogga dalka Somaliyeed ee hadda jira waxaa dib loogu qaabeyn doonaa xuduudyada Federalka ee jira iyadoo la wafaajinayo heshiiska la kala saxiixdey.

18000 Askari ee ciidamada Xoogga dalka Somaliyeed fadhiyadooda waxay ahaan doonaan xeryihii ciidamada qaran oo horey u jirey kuwasoo kala ah;  (12-aad, 21-aad, 43-aad, 49-aad, 48-aad, 54-aad, 26-aad iyo 60-aad).

Ciidamada gaarka (Special Forces)  Waxay noqon doonaan 4,000 oo askari waa ciidanka (Danab), sida qorshuhu yahay waxaa xero kasta oo ciidanka qaranka saldhig u ah waxa joogi doona 500 oo askari oo ciidamada gaarka ah kuwasoo hoos imaan doona Federaalka.

Ciidamada Booliska oo tiradooda tahay 32,000 askari kuwasoo u qaybsanaan doona Federaal iyo maamul goboleedyada ayaa weli la sheegin inta ciidanka daraawiishta la yiraahdo noqon doonta.

Daraawiishta ayaa lagu sheegey qoraalkaan in marka ay jiraan howlo qaran oo deg deg ah hoos imaan doonaan Federaalka.

Qoraalkaan oo ku qoran afka Ingriiska ku qoran hoos ka akhri: 

Related Articles

Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:31AM

Xarigga Ugbaad Aragsan, aargoosi Siyaasadeed mise ka hortag dhaqan xumo?

Booliska Somaliland ayaa talaadadii Ugbaad ka soo qabtay mehrad ganacsi oo ay Hargeysa ku lahayd..

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 06:23AM