Muqdishu: Ciidamada amniga oo fashaliyey weerar lagu qaadey xabsi

Image
Image
Image
Image

Axad, August 31, 2014 (GO)-Weerarkaan oo koox ka tirsan dagaal-yahanada Al-shabaab saaka 11:30 am ku qaadeen xabsiga Nabad Sugida oo ku yaal halka loo aqoon jirey godka Jilacoow ee magaalada Muqdishu ayaa wararku sheegayaan iney ka qayb qaateen 7 kamid ah kooxdaas kuwaasoo qaarkood ku labisnaayeen Tuutaha lagau yaqaano ciidamada Nabad Sugida.

Gawaaridaan labada ah ayaa wararku sheegayana iney ka buuxeen waxyaalaha qarxa kuwaasoo inta uusan bilaaban weerarkaan  lagu dhuftey irrida hore ee xaruntaan.

Dowladda Federaalka oo ka hadashey weerarkaan ayaa sheegtey in 7 qof oo ka tirsan kooxdaan lagu diley weerarkaan kuwaasoo damacsanaa iney furtaan maxaabiis lagu hayey xaruntaan.

Dhinaca kale qoraal kasoo baxey Wasarada Warfaafinta dowlada Federaalka ayaa lagu sheegey in ciidamada Nabad Sugida weerarkaan ay kaga dhinteen 3 kamid ah Askartooda.

Weerarkaan oo socdey muddo 45 daqiiqo ah ayaa wararku xusayaan in kooxdaan u suurta gashey iney gudaha u galaan xabsiga Nabad Sugida halkasoo dagaal xoogan ka dhacey.

Saraakiisha amniga ayaa sheegey in weerarkaan waqtigaan soo afjareen howlgalkii lagu sifeynayey kooxdaana uu dhamaadey.

Afhayeen u hadley kooxda Al-Shabaab ayaa sheegey in weerarkaan ka dambeeyeen ciidamadooda isagoo sheegtey guulo.

Ururka Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidamada AMISOM iyo dowladda Federaalka ayaa horey weero ugu qaadey madaxtooyada Villa Somalia iyo meelo kale kuwaasoo guulo la taaban karo aan ka gaarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM