Fahad oo Khatar Siyaasadeed ku ah Farmaajo (Xog sir ah)

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warsidaha Garowe Online ayaa soo koobey warbixin lagaga hadlayey qayb kamid ah taariikh nololeedka agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir taasoo lagu xusey shaqooyinkii uu soo qabtey, urur diimeedyada qaybta uu ka noqdey, siyaasada Soomaaliya sida uu ku soo galey, dadka uu shaqaaleysiiyey kuwasoo u balan qaadey xilal magac iyo wadamada xiriirka dhaqaale iyo siyaasadeed uu la leeyahay.

Xogtan (Intelegence Breifing) oo sida warsidaha GO fahansan yahay sirdoonka wadamada danaha siyaasdeed ka leh Soomaaliya is-dhaafsadeen ayaa lagu sheegey in agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya sarkaal sare kasoo noqdey urur diimeedkii la oran jirey Al-Itixaad Islaami, isagoo dagaalo ka galey Araare, Gedo iyo Boosaaso sanadkii 1990.

Warbixintan ayaa lagu sheegey in dabayaaqadii sanadkii 1990 ururka Itixaad dib u eegis ku sameeyeen mowqifkooda ku aadanaa in xukunka Soomaaliya ku raadiyaan Qoriga caaradiisa iyagoo qaatey go'aanka ah iney bulshada baraan Diinta (Dacwo), waxaana arintaasi laga dhaadhiciyay inta badan dadkii kamid ahaa, marka laga reebo shaqsiyaad muhiim ah oo ay kamid yihiin; Shiikh Xasan Turki, Shiikh Xasan Daahir Aweys, Shiikh Cabdulahi Cali Xaashi iyo qayb kamid ah jaanibkii/Garabkii dhalinyarada kuwasoo goostey in dagaalka lagu jiro tan iyo inta dalka laga hirgalinayo nidaam ku dhisan shareecada Islaamka.

Shaqooyinka Fahad Yaasiin qabtey;

Fahad Yaasiin ayaa waxbarsho dhinaca saxaafada u tagey dalal uu kamid yahay Yamen isagoo muddo ka shaqeynayey website lagu sheegey in ururka Itixaad iska-lahaa kasoo la oran jirey Somalitalk, kadibna waxaa uu ku biirey Talefishinka Al-Jazeera qaybtiisa Carabiga, waxaana uu madax ka noqdey xafiiska ay ku leedahay magaalada Muqdisho kadib markii uu muujiyey ku dhowaanshihiisa Al-Shabaab.

Waxa uu noqdey Fahad Yaasiin qofka lagala soo xiriiro marka dowlada Qadar rabto iney lacag siiso ururka Al-Shabaab madaxdiisa isagoo xiriir dhow la sameystey hogaamiyihii ururkaas Axmad Godane, Ibraahim Jaamac Afghan; Xasan Daahir Aweys, Shiikh Mukhtar Roobow iyo Macalin Burhan.

Dhinaca kale, xogtan la is-dhaafsadey (Intlegence breifing) ayaa sheegtey in agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya tababar dheeraad ah oo dhinaca sirdoonka ah kusoo qaatey dalka Qadar. Sanadkii 2012 ayuu iska casiley shaqadii wariyaha Al-Jazeera isagoo ku biirey xarun loogu magac darey Daraasada Istraatijiyda ee Talefishinkaas.

Tan iyo intii uu ku biirey xaruntaas ma uusan soo saarin warbixino ama qoraaladii looga bartey taasoo cadeyn u aheyd in howsha loo dhiibey aysan aheyn cilmi baaris balse aheyd shaqo sirdoon oo qarsoon sida warbxintan ku xusan.  

Waxaa loo xilsaarey Fahad inuu xog ka ururiyo siyaasiyiinta Soomaaliya iyo xaalada siyaasdeed ee dalkaan dagaalada sokeeye ku  jirey muddo ku dhow 30 sano,  waxaana mas'uul looga dhigey ah inuu calaamadeeyo islamarkaana iibiyo qofka noqon kara Madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka Beeraha dowlada Federaalka Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid

Warbiixntan ayaa sheegtey in Fahad Yaasiin sanadkii 2001 uu taageerey madaxtinimadii Jaamac Cali Jaamac ka raadinayey Puntland isagoo markaas colaad u hayey AUN Cabdul;aahi Yuusuf Axmed, oo dabayaqadii 1990 dagaal la galey ururka Al-Itixaad.

Sanadkii 2012 Fahad Yaasiin waxaa uu taageerey tartankii Xasan Shiikh ugu jirey Madaxtinimada Soomaaliya, balse way iska horyimaadeen kadib markii uu hirgalin kari waayey siyaasadiisa qarsooneyd ee ku aadaneyd sida loo maamulayo dalka Soomaaliya.

Xiriirka Fahad Yaasiin iyo Farmaajo;

Fahad Yaasiin oo shaqadiisu aheyd in uu tilmaamo qofka tagaya xarunta Villa Soomaaliya ayaa xiriir dhow la yeeshey sida warbixnta sheegeyso markii Farmaajo laga qaadey 2011 xafiiska Ra'isal wasaaraha Soomaaliya kadib heshiiskii Kampala Accord.

Madaxweyne Farmaajo oo sumcad badan ku heley xil ka qaadistii lagu sameeyey xilligaasi, gaar ahaan dadka dhalinyarada ah ayaa Fahad Yaasiin waxaa uu xoojiyey xiriirka uu la leeyahay siyaasigaas.

Qoraalkan ayaa lagu sheegey in Fahad Yaasiin labo jeer isku dayey in Madaxweyne Xasan Shiikh uu ka raadiyo in Ra'isal wasaare uu u magacaabo Farmaajo balse ka diidey taasoo sii xoojisay inuu dagaal siyaasdeed ku qaado saaxabidiisii Damul-jadiid.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo agaasime ku Xigeenka Madaxtooyada

Xilligaas Fahad Yaasiin waxaa uu la kulmey Xasan Cali Khayre oo markaas u shaqeeynayey hay'ada NRC. Norway iyo Qadar ayaa ka shaqeenayey markaas in wadahadal laga dhex-sameeyo Al-Shabaab iyo dowlada Soomaaliya howshaas waxaa qayb weyn ka qaatey Fahad Yaasiin iyo Xasan Cali khayre, oo hadda ah Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Tani waa sababta keentey in hay'ada QM ee (UN Monitoring Group) warbixin ay soo saarto taasi oo ay ku eedeeyneyso Xasan Cali Khayre inuu xiriir la sameeyey kooxdan.

Fahad Yaasiin isagoo weli u shaqeynaya xarunta Cilmi baarista Al-Jazeera ayaa waxaa uu dhisay kooxihii ka qayb qaadan lahaa ololaha madaxtinimo ee doorashada Farmaajo waxaana qayb kamid ah ahaayeen saaxibadiis ay ka wada tirsanaayeen urirka Al-Itixaad sida; Cabdishakur Cali Mire oo hadda ah (Xildhibaan), Balal Maxamad Cusmaan (Caawiyaha gaarka ah ee Madaxweyene Farmaajo), Jaamac Caydiid oo laga dhigey (Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga), Siciid Xuseen Ciid ka tirsan golaha xukuumada Khayre iyo Cabdirizaq Shoole oo waqtigan ah (Ku- xigeenka agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya).

Xasan Cali Khayre xiligii uu u shaqeenayey NRC 

Waxaa kale ee uu agaasime Fahad sameeyey xiriir inuu la yeesho shaqsiyaad aad ugu dhow ololaha doorasho ee Madaxweyne Xasan Shiikh kuwasoo uu u balan qaadey in xilal uu kasiin doono dowlada cusub ee dhalan doonta, waxaana kamid ahaa dadkaas; Xasan Cali khayre oo noqdey Ra'isal wasaaraha Soomaaliya, Thaabat Cabdi Maxamad oo loo magacaabey guddoomiyaha gobolka Banaadir, Jamal Maxamad Xasan Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah iyo Cabdirashid Maxamed oo loo dhiibey Wasiirka Batroolka Soomaaliya.

Jamaal Maxamad Xasan Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga

Khatarta ku jirta in Fahad Yaasiin ku dhowaado Madaxweyne Farmaajo;

Marka laga soo tago shaqada Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya uu ka hayo Fahad Yaasiin waxaa uu madax uu yahay koox kala soo shaqeysay ololaha doorashada ee Madaxweyne Farmaajo isagoo dhinaca kale maamula lacagta dowlada Qadar ku bixiso siyaasada Soomaaliya.

Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale gacanta ku haya xildhibaano gaaraya 70 kuwasoo codkii ugu horeeyey siiyaye madaxweyne Farmaajo iyadoo gunno ahaan u siiyo $3,000-$4,000 [Saddex illaa Afar Kun oo dollar] midkiiba bil walba taasoo uu kaga hortagayo inuu hoos u dhac ku yimaado taageeradiisa Aqalka Wakiilada/Baarlamaanka.

Arintan ayaa ka dhigtey in Fahad Yaasiin uu lahaado go'aanka ugu sareeya ee maamulka dowlada Soomaaliya, isagoo dhinaca arimaha siyaasada ku isticmaala lacag aad u fara badan, oo aan laheyn xisaab celin dowladeed.

Safiirka Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya Jaamac Caydiid

Qoraalkan warsidaha Garowe Online soo gaarey ayaa sidoo kale lagu sheegey in dhinaca fikirka Fahad Yaasiin uu kala mid yahay ururka Al-Shabaab maadaama uu siyaasad ahaan kasoo horjeeda nidaamka Federaalka, joogitaanka AMISOM ee Soomaaliya iyo wadamada reer Galbeedka, waxaa kaloo uu Fahad diidan yahay dhismaha ciidamo Qaran isagoo aaminsan ineysan caqiido laheyn, xiligaana waxaa uu ka shaqeynaya inuu dhiso Jabhad kooxeed madax uu ka yahay Mukhtaar Roobow. 

Agaasime Fahad ayaa sidoo kale qorsheynaya in hadii uu ku guuleysto magacaabista madaxa hay'adda sirdoonka Soomaaliya ama ku xigeenkeeda in uu dhiso koox sirdoon ah oo ka shaqeysa arimaha siyaasada iyadoo qorshayaasha dhismaha ciidamada ay lacagtooda bixineyso dowlada Qadar islamarkaana tababarka siinayaan saraakiil ka tirsan dalka Iran.

F:G: Macluumaadka warbxintan xambaarsan tahay waxaa laga soo guuriyey xog sirdoonka wadamada daneeya arimaha Soomaaliya is-waydaarsadeen ee ma aha mid Garowe Online baaris ku sameeyey.

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM