Fahad Yaasiin Daahir oo "loo taagay labo kaar oo jaale ah"

Image
Fahad Yaasiin ayaa ah gacanta koowaad ee Farmaajo. [Photo: Screenshot]

MUQDISHO, Soomaaliya – Xil ka qaadista labada sarkaal ee ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble waa diginin kama damebeys ah oo ku socota agaasimaha guud ee hay’adda, Fahad Yaasiin Daahir, sida uu sheegay siyaasi.

Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa tibaaxay in Fahad loo taagay "labo kaar oo jaale ah".

Sida laga soo xigtey hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, wasiirka koowaad ee dalka "waa in uu aad uga taxadaraa dagaalka rogaal celinta ah ee ay u badan tahay in uu kaga imaan doono Farmaajo iyo Fahad Yaasiin".

"Waa ku mahadsanyahay RW Rooble tillaabada uu ugu hiilliyay sarreynta sharciga. Sharciga oo lagu tuntaa waxey macna tirtaa dowladnimada. Agaasimahii hay’adda socdaalka, maareeyihii iyo taliyihii garoonka waxaa ka awood badnaa wiil ka tirsan hay’adda Nabadsugidda," ayuu Warsame yiri.

Wuxuu ku daray: "Waxaa muuqata in Taliyihii ciidanka xoogga iyo booliska ay fuliyeen amarkii Raysalwasaaraha. Waxay dibadda ka tageen siyaasadda iyo arrimaha doorashada, laakiin taliyihii Nabadsugidda wuxuu si awood sheegasho ugu lug lahaa siyaasadda iyo doorashooyinka".

"Labo kaar oo jaale ah ayaa maanta loo taagay. Waa dhici kartaa in uu edboonaado, waxayse u badantahay in isaga iyo Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ay dagaal rogaal celin ah soo qaadaan. RW Rooble in aad sharciga ku adkaysato ayaa lagaa rabaa, sababtoo ah in badan ayaad u sabartay takrifalka Farmaajo iyo Fahad," ayuu hadalkiisa kusoo koobay.

Madaxii shaqaalaha NISA, Cabdullaahi Aadan Kulane, iyo taliyihii NISA ee garoonka Aadan Cadde, Cabduwahaab Sheekh Cali, ayaa lagu eryay wareegto kasoo baxdey xafiiska Rooble markii maanta garoonka Muqdisho laga celiyey mas’uuliyiin uu ku jiro guddoomiyihii gobolka Gedo, Macalimuu.

Talaabadan ayaa jebisay amar uu Rooble soo saarey Khamiistii kaasoo ku aadanaa in aan is-hor-taag lagu sameyn karin muwaadiniinta isaga kala goosheysa goboladda gaar ahaan musharaxiinta. Fariintaas waxay si toos ah ugu socotay hogaanka ciidamadda booliska, milatariga iyo nabadsugida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaari Al-Shabaab saaran oo ku buufsan Astaanta NISA oo laga Celiyay Albaabka Villa Somalia

Weerarkan ayaa muujinaya halista ay kooxaha xagjirka ah weli ku hayaan caasimadda, inkastoo ay socdaan dadaallo ay dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 06:41AM

Maxaa kusoo kordhay Weerar Al-Shabaab ee Xabsiga Sirdoonka ee Godka Jilicow?

War rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in dhammaan 7-dii weerarka qaaday la dilay.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 05:25AM