Fahfaahin laga bixiyey geerida Galeydh; DF oo iclaamisay Aas Qaran

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madax, siyaasiyiin iyo shacab ayaa tacsi ka diray geerida naxdinta leh ee ku timid Ra'iisul Wasaarihii 8aad ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galeydh, kaasoo ku dhintay magaala madaxda Jigjiga.

Maxamed Xuseen Rooble, ra'iisul wasaaraha haatan jooga ee Soomaaliya oo sheegay in uu muragada la wadaagayo qoyska marxuumka, ayaa sheegay in xukuumadda ay Aas Qaran u sameyn doonto marxuumka.

"Waxaan Ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay uga tacsiyeynayaa geerida Allaha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr.Cali Khaliif Gallaydh. Dowladda Soomaaliya waxa ay marxuumka u sameyn doontaa aas Qaran," ayuu ku yiri muuqaal looga soo dhex-duubay xafiiskiisa.

Cali Khaliif Galeydh oo saddexdii todobaad ee lasoo dhaafay howla shaqo u joogay Soomaali Galbeed ayaa lagu waramay in uu maalmihii dambe uu dareemayay xanuun dhanka caloosha ah kana cabaanayey cuntada.

Cadaani Hirmooge, afhayeenka jabhadda ONLF oo u waramay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, ayaa sheegay in kahor geerida Galeydh ay qorsheynayeen in ay geeyaan isbitaal maadaama xaaladiisa kasii dartay.

"Geeridiisa odaygan wuu iska caafimaad qabay wuxuu qoonsaday cunto un, baa la yiri wuu shubmay wuu matagay, wuu qandhaday Jimcadii bey bilaabatay howshaasi. Labadii maalmood ee lasoo dhaafay aad buu u jilicsanaa marka illaa xalay ayuu aad isku bedelay. Waxaa la islahaa isbitaal hala geeyo oo lagu xiro qalabkan neefsiga iyo wax xoojin marka nin dhakhtaraa la joogay waxay ahayd in lasii siiyo gargaar dheeraad ah. Waxaan ka tagayey markuu naf-baxayo 40 daqiiqo huteel kalaa kasoo qadeeyay waa soo noqdey oo aan albaabka sii galayo ayaa leygu yiri ambalaastaas odaygii [Cali Khaliif Galeydh] baa lagu sidaa wuu naf-baxay," ayuu u sheegay Idaacadda fadhigeedu yahay Washington.

Dowladda Puntland ayaa ku biirtey dhinacyadda ka tacsiyeeyay geeridiisa. Madaxweyne ku xigeenka, Axmed Cali Cismaan Karaash, wuxuu u rajeeyay in uu ALLE ku abaalmariyo naxariistiisa iyo Janada Firdowsa.

"Madaxweyne Ku-xigeenka, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Goleyaasha Dowladda ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr oo ku geeriyooday Jigjiga," ayay tiri Madaxtooyada Puntland oo war qoraal ah ku faafisay ciwaanadeeda baraha bulshadda.

Bayaanka ayaa intaas waxaa lagu daray: "Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu tiiraanyada geerida Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya la qaybsanayaa, ugana tacsiyaynayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka reer Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku. Waxa uu Alle "SWC" uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u sakhiro, Jannatul Fardawsa ka Waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed".

Marxuumka oo 15-kii October, sanadkii 1941-dii ku dhashay magaaladda Laascaanood ayaa ku dhintay da'da 78-sano jir. Wuxuu ifka kaga tegay xaasas iyo caruur. Siyaasadda wuxuu ku dhex-jiray in ka badan konton sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cudur ka dilaacay Soomaaliya oo 120 qof ku dhimatay

Waxay sheegtay in heerka dhimashadu uu waxyar ka sarreeyo heerka heerka degdegga ah ee Ururka WHO oo ka yar ama la mid ah 1 boqolkiiba.

  • Soomaliya

    20-05-2024

  • 12:52PM

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM