Hooyo iyo ilmo ay dhashay oo ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahino horudhac ah ayaa waxay kasoo baxayaan qarax "xoogan" oo maanta oo Khamiis ah laga maqlay qaybo kamid ah Muqdisho, magaala madaxda Soomaaliya.

Sidda ay sheegayaan wararka, qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay nawaaxiga madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad oo ku taala degmada Hodan.

Wadada Cabdiqaasim oo ku dhow isgoyska mashquulka badan ee KM4 waxaa ku taala safaaradda Qadar oo gabi ahaan xiratay jidkaas oo aada dhanka isgoyska kale ee Tarbuunka.

Goobjoogeyaal ka akdhowaa meesha ay wax ka dhaceen ayaa xaqiijiyey dhimashadda saddex ruux oo shacab ah, iyo dhaawaca dad kale oo ka akdhowaa meesha ay wax ka dhaceen.

"Saddex ruux ee dhintay waxay saarnaayeen mooto Bajaaj," ayuu yiri qof kamid ah goobjoogeyaasha oo sabab la xiriirta amni uga gaabsaday magaciisa isla markaana u baqay nafsadiisa.

Illaa iyo haatan lama ogga bartilmaameedka weerarka oo kusoo hagaagaya xilli nabad-gelyadda magaalada ay bilooyinkii lasoo dhaafay ahayd mid xasiloon.

Ismaaciil Mukhtaar Cumar, afhayeenka dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay in hooyo iyo ilmo yar oo ay dhashay ay kamid noqdeen muwaadiniinta ku naf-waayey weerkarkaas.

"Inta la xaqiijiyay 3 ruux oo ay ku jiraan Hooyo iyo ilma yar oo ay dhashay ayaa ku dhintay 3 kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qarax miino oo argagixisadu doonayeen in ay ku waxyeeleeyaan Gaadiidka ciidamada Xoogga ee wadada marayay. Mootada ayay saarnaayeen hoyada ilma yar," ayuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Xoogaga Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida ayaa aalaaba falalka noocaan ah ka fulisa caasimadda waddanka dhaca Geeska qaarada Afrika.

Qaraxyadda miinooyinka dhulka lagu aaso ayay kooxaha argagixisada ah ku bartilmaameedsadaan ciidamadda, mas'uuliyiinta dowladda iyo shaqsiyaadka kale ee liiska beegsigooda ku jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalal katirsan Afrika oo diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay in Israa’iil ay waqtigan ku dhawaaqdo aqoonsigan, iyo in ay filayso wax ay ku beddesho.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:43PM

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM