Farmaajo: Al Shabaab waan ka adkaan la'nahay [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka u dhaxeeya madaxda maamullada dalka iyo dowladda dhexe kaasoo ka qabsoomay xarunta Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisa furitaanka diirada ku saaray dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab, caqabada hortaagan in laga guulaysto iyo sida la isaga kaashan karo dagaal ka dhan ah ururkaas.

Farmaajo, wuxuu ugu horayn tacsi u diray dadkii ku dhibaatoobay qaraxyadii is-xigay ee bishan gudaheeda ka dhacay Muqisho, isagoo xusay in waddankaan cadowgiisa koowaad uu yahay Al Shabaab, sidaas darteed madaxda maamullada ay kawada hadlayaan qaabkii la isaga kaashan lahaa ciribtirkooda.

Maxamed Cabdullaahi, wuxuu kaloo sheegay in dalkan uu muddo 10 sano ah dagaal ku jiray, balse uusan isagu dagaal galin,“Aniga dagaal waa iclaamiyay, laakiin 10 sano ka badan ayuu dalkaan dagaal ku jira."

Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu sheegay in dalkan uu dagi waayay oo shacabkii nabad iyo nolol loo diiday markii kooxdaas nabad-diidka ah ay gashay duurka, isagoo carrabka ku dhuftay inay ka adkaan la'yihiin islamarkaana u baahanyihiin in la keeno qorshe looga guulaysanayo Al Shabaab.

"Xaqiiqdii ilaa hadda waan ka adkaan la'nahay maaha inay guulaysteen laakiin waa inaan keena qorshihii aan uga adkaan lahayn," Ayuu Farmaajo oo hadalkiisa ku daray, "10 kii sano ee lasoo dhaafaysay hadii aysan jirin AMISOM arrintu intaas waa ka adkaan lahaydn, marka waa inaan u mahadcelino AMISOM iyo dedaalkii ay u galeen in dowladdan shaqayso ummadda Soomaaliyeedna hormar gaarto."

Isagoo sii hadlaya, wuxuu Farmaajo sheegay in AMISOM kaliya aysan ka guulaysan karin Al Shabaab,

Farmaajo mar uu ka hadlayay sababta uu u miro dhali waayay dagaalkii uu iclaamiyay, wuxuu sheegay in ciidamada Soomaaliya oo kaliya loo daayay dagaalka, sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamadu aysan wacyigalsanayn, mushahar aysan qaadan islaamrkaana dalka ay cunaqabatayn saarantahay.

Caqabadaha kale ee howlgalkaasi hortaagan, wuxuu ku sheegay inaysan jirin wada-shaqayn toos ah oo ay leeyihiin hay'adaha dowladda Federaalka, sidoo kale ay meesha ka maqantay doorkii maamullada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay in meel la iska dhigo tabashooyinka yar yar ee siyaasadda isagoo xusay in kulankan diirada lagu saari doono sidii loo midayn lahaa ciidamada maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

Khudbaddan ayaa timid xilli kooxda Al Shabaab muddooyinkii dambe weeraro ka gaysanaysay magaalada Muqdisho xilli Madaxweyne Farmaajo uu ballan qaaday in kooxdan uu ka sifayn doono dalka. HALKAN KA DAAWO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM