Farmaajo: DF ma hayso malaayiinka dollar ee ku baxeysa dib u dhiska dalka

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa Villa Soomaaliya munaasabad dhiirrigelin iyo maamuus ah ugu sameeyey Orodyahanno Soomaaliyeed oo billado ka soo hooyay tartanno heer Gobol iyo heer Caalami ah oo la qabtay bilowga sanadkan.

Munaasabaddan ayaa abaalmarinno lagu guddoonsiiyey Cabdullaahi Jaamac Maxamed, Cabdisalaam Maxamed Axmed iyo Cabdi Daa'uud Rooble oo kaalmaha hore ka galay tartannadii orodka ee Jabuuti iyo kii dalalka Zoonka 5aad ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ee lagu qabtay Rwanda.

Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay dalka iyo dadka u leeyihiin guulaha noocan oo kale ah, "maadaama oo ay ka tarjumeyso in dadka Soomaaliyeed oo dhibaato badan soo maray ay maanta guulo ka soo hoynayaan fagaarayaasha caalamka".

"Qof kasta oo Soomaali ah waa inuu noqdo astaan qaran oo isu arko in uu metalayo Soomaaliya. Marka waa inaan ku dayanno dhallinyaradaas is-xilqaamay oo dadaal badan sameeyay si ay ula tartamaan dhiggooda caalamka, una soo celiyaan sharafka, wanaagga iyo sumcadda dalkeenna."

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ramla Cali go'aanka waddaniyadda leh ee ay ku dooratay in ay ciyaaraha feerka adduunka ee ka dhacaya dalka Japan kaga qayb gasho magaca Soomaaliya, isaga oo gabdhaha isu xilqaamay in ay ka qeyb galaan Tartanka Kubadda Koleyga ee Uganda ku ammaanay diyaar garowga xooggan ee ay ugu jiraan sidii ay metalaad wanaagsan ugu noqon lahaayeen dalka.

Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), Guddoonka Guddiga Ciyaaraha Fudud ee heer Qaran, masuuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir, ganacsato iyo hobollo ka mid ah bahda fanka.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in dowladiisa aysan ahayn lacago badan oo ay ku bixiso dib u dhiska dalka, sidaasi darteedna aysan ka maarneyn taageero shisheeye.

"Barnaamijka Is-xilqaan ee aan sameynay ayaan ugu talogalnay in aan dalka ku dhiso, illeen dalkii innagaa burburiney, gacanteena ayuu ku burburay, ma oran karno qurumo kale ayaa nagu soo duulay oo burburiyey, innagaa burburinay, sidaasi darteeda dadkii wanaagsanaa waa idinka, waa shacabka Soomaaliyeed, oo runtii horusocodka ah oo wanaaga raba. Dowladda kaligeed ma dhisi karto. Dalkan burburkiisa marka la fiiriyo, waa malaayiin Dollar, dowlada lacagtaasi faraha badan ma hayso, laakiin waxaan haynaa xoog oo ah, laakiin waxaan haynaa karti Soomaaliyeed, waxaan haynaa dhaqaale ka timid ganacsatada iyo hadii ay noqoto dad kale oo shisheeye oo aan yiraahdo intaasi ayaan qabsanay wax noogu dara, oo gacan noogu siiya," ayuu yiri Farmaajo, kaasi oo u muuqda in uu mar kale ayidayo in dowladiisa ay wajaheyso dhaqaalo xumo, sida uu horeyba uga dhawaajiyey.

Tani ayaa su'aallo waxay gelineysaa sheegashooyin dhowr ah oo ka yimid xukuumada oo ku aadan in dhaqaalaha dalka uu sare u kacay isla markaana beesha caalamka ay si toos ah Bangiga dowladda si toos ah ugu soo shubto deeqaha caalamka ee loogu talogalay barnaamjiyada horumarinta.

Falanqeeyayaasha dhaqaalaha ayaa rumeysan in maamulka Farmaajo uu deeqaha loogu talogalay arrimaha horumarinta u weeciyey dhanka siyaasadda si gaar ah doorashooyinka maamuladda si ay uu ugu soo baxo siyaasiyi daacwad u ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM