Farmaajo: Dilkii Eng Yariisow wuxuu naga hakiyey howlo badan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Howlo kala duwan ayaa ka hakaday Dowladda Soomaaliya kadib markii la dilay gudoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho, Eng Yariisow, sidda uu sheegay madaxweynaha dalka.

Isagoo ka hadlayey munaasabad lagu xusay 1-da Luulyo oo shalay ka dhacday Tiyaatarka Qaranka, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tafaasiil badan aan bixin ayaa xusay in "dib dhaca uu balaarnaa".

Sidda laga soo xigtay Farmaajo, howlaha dowladiisa u qorsheysanaa ee dilkii Eng Yariisow dartiis uga habsaantay waxaa kamid ahaa fulinta mashaariic badan oo ay dooneysay in ay ku daahfurto 60-sano guurada xorriyadda.

"Hakadii na galay waxaa noogu soo xigay gudoomiyihii cusbaa [Cumar Filish] intuu shaqada ka baranayo iyo Covid-19 oo aduunka kala xiray. Runtii waxa aan hadda qabanay waxay ahayd wax aan ka gaarsiineynay mooyee wixii aan ku talogalnay iyo qorshaheenii meel u dhow ma gaarin," ayuu tibaaxay.

Wuxuu raaciyey: "Laakiin, hadda waqti waa haysanaa waa aragnay waxa aan annagu gacmaheena ku qabsan karno, waxa aan annagu gacmaheena ku dhisan karno waa aragnay, wixii hadda ka dambeeya waan in aan isku tashano waxaa la yiri 'Biyo sacabadaadaa looga dhargaa' aan isku tashano".

Madaxda dowladda ayaa qorsheeyay in munaasabadda Todobaadka Xorriyadda ay uga faa'iideystaan ololahooda doorashooyinka aan wali lagu heshiin ee 2020-21, kuna soo bandhigaan wax loo bixiyey "wax-qabad".

Bishii July, 2019-kii ayay ahayd markii qarax is-miidaamin oo haweenay ka tirsaneyd Al-Shabaab iyo maamulka gobolka ay ka fulisay shir uu Eng Yariisow gudoominayey, halkaas oo geeri iyo dhaawac ay ka dhacday.

Bishii August ayaa lasoo wariyey in Eng Yariisow uu dhaawac falkaas kasoo gaarey uu ugu dhintay caasimadda Qadar ee Dooxa oo loo qaadey.

Cumar Maxamuud Maxamed [Filish] ayaa xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho loo magacaabay 22-kii August, 2019 kadib digreeto kasoo baxay xafiiska madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Weerarka lagu khaarijiyey Eng Yariisow ayaa dhaliyey su'aallo badan isla markaana wali aysan jirin cid maxkamad loosoo taagay marka laga reebo hadalo kasoo yeeray mas'uuliyiin oo ah in loo xiray "la tuhunsaneyaal".

MUUQAALKA FARMAAJO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM