Farmaajo iyo Abiy Axmed oo ka degay magaaladda Nairobi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa gaarey magaaladda Nairobi ee caasimada wadanka Kenya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa lagu wadaa in maalinta berri oo Arbaco ah ay la kulmaan hogaamiyaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa shaacisay in ujeedka safarka Farmaajo uu qayb ka yahay dadaalada nabadeynta iyo iskaashiga gobolka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Itoobiya ay dooneyso in dhexdhaxaadiso Muqdisho iyo Nairobi oo uu khilaaf ka dhaxeeyo. [Halkaan ka akhriso fahfaahinta]

Labadda dal dariska ah ayaa isku haysta muran dhul badeed gaar ahaan goob la sheegay in ay qanni ku tahay noocyo kamid ah kheyraadka.

Cabdinuur Maxamed Axmed, afhayeenka Farmaajo ayaa xaqiijiyay in ujeedka socdaalkaan ay qayb ka tahay soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya oo meeshii ugu hooseeyay maraya.

Tani ayaa ka dambeysay markii Kenya ay soo eriday safiirkii Soomaaliya u joogay Nairobi, iyada oo u yeertay wakiilkeeda Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in muranka badda ay go’aankiisa ka sugeyso maxkamada cadaalada aduunka halka Kenya lagu eedeeyay inay rabto in si hoose loo dhameeyo kiiskaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM