Itoobiya oo u kala dab qaadeysa Soomaaliya iyo Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Itoobiya ayaa bilowday dadaalo ay ku dooneyso in ay waan-waan ugu sameyso dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kuwaasoo haatan uu khilaaf ka dhaxeeyo.

Khilaafka labada dal oo bishii hore soo cusboonaaday ayaa salka ku haya muran dhul badeed gaar ahaan goob qanni ku ah Saliid iyo Gaas.

Xiisadaasi oo aan wali xal laga gaarin ayaa soo dedajisay in Kenya ay soo eriday danjiraha Soomaaliya ayna u yeerato wakiileeda Muqdisho.

Xukuumada Nairobi ayaa ku eedaysay dhigeeda Muqdisho in shir ay ku qabatay London bishii hore ay beec-geysay Shidaal ku jira goobta ay isku haystaan.

Hasayeeshee, dowlada federaalka ah ayaa garabka ku dhufatay eedayntaasi, waxayna dalbatay in laga war-dhowro go’aanka maxkamada cadaladda aduunka.

Kenya ayaa la fahansan yahay in ay dooneyso in muranka lagu xaliyo qaab hoose, iyada oo cadaadis diblumaasiyadeed saartay Soomaaliya.

Madaxwayne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo la filayaa in saacadaha soo socda ay ka degaan magaaladda Nairobi ayaa la kulmaya Uhuru Kenyatta.

Ka hor socdaalkooda Nairobi, waxaa Jimcadii iyo Talaadada maanta ah si yaabo gooni-gooni ah u tegay Addis Ababa hogaamiyaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Illo xog ogaal ah ayaa ku waramaya in Abiy Axmed ay kulamadaasi uga soo baxeen natiijo wanaagsan oo uu horey ugu sii wadi karo isku dayadiisa xal raadinta.

Tani macnaheedu waxay tahay in madaxwaynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay aqbaleen soo jeedinta Abiy oo ku aadan in uu u kala dab-qaado.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey wacad ugu martay in aanu marnaba gor-gortan ka galayn arrimaha badda, ayna ka war-dhowreyso xukunka ICJ.

Lama ogga waxa iska bedali doono mowqifka Madaxwayne Farmaajo inta uu socda kulamada uu qaadan doono dhigiisa Kenya iyo Abiy Axmed.

Maxkamada Cadaalada Aduunka ee ICJ ayaa la filayaa in dhamaadka sanadkaan ay go'aan kama dambeys ah kasoo saarto kiiskaan, iyadda oo wareegii koowaad ay Soomaaliya ku guuleysatay dacwadda.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA SOCDAALKA FARMAAJO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM