Farmaajo iyo Jawaari oo qabtey Shir Jaraa'id oo wadajir ah [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Gudoomiyaha xilka iska-casilay ee Gollaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta si wadajir ah u qabtey Shir Jaraa'id aqalka Madaxtooyada.

Jawaari oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay in sababta uu Shirka Jaraa'id uga soo muuqday ay tahay inuu si rasmi ah u caddeeyo is-casilaadiisa lagu soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee hareeyay Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Is-casilaadda Gudoomiyaha ayaa shalay soo ifbaxday kadib markii ku xigeenkiisa 1aad Cabdiweli Muudey ka shaaciyay Gollaha Shacabka, oo lahaa fadhi cod loogu qaadi lahaa Mooshinka Kalsooni kala noqoshada ee ay Xildhibaanada ka keeneen Jawaari.

Waxa uu intaasi ku daray Jawaari in xilka ka degi doono maalinta berri, islamarkaana uu amaanada dib ugu celin doono Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka, oo hadda wixii ka dambeeyay uu ka noqon doono xubin kamid ah oo la fariisan doono Xildhibaanada.

Madaxweyne Farmaajo oo hadal kooban jeediyay ayaa marka hore uga mahadceliyay Jawaari go'aankii Taariikhigi ahaa ee uu xilka isaga casilay, isagoo ugu baaqay Gudoomiyaha inuuu halkeedii kasii wado shaqada uu u hayay qaranka.

Hoos ka Daawo Shirka Jaraa'id:

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM