"Arrinta Jubaland waa qadiyad bad ah, Kenya ma siyaasadeyn karto"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku eedeeyay Dowlada Kenya in ay "ajande siyaasadeed" ku lifaaqdey dacwada badda ee hortaala Maxkamadda Cadaalada Aduunka.

Wareysi uu siiyey Telefishinka Universal ayuu ku sheegay in arrintaan ay tahay wax aan u cuntami dadka iyo dowladda Soomaaliya.

Dowlad goboleedka Jubaland ayuu ku nuux-nuux saday in ay dooneyso in uu noqdo meel ay "ka gacan-maroojiso" si ay u ogolaadaan wadahadal iyo qaab hoose oo lagu xaliyo kiiskan taagan tan iyo 2014.

Faragelinta maamulka Axmed Madoobe, xayiraadda cirka iyo ciidamada ay xukuumadda u daabushay gobolka Gedo ayuu ku qeexay "arrin uu u fasaxayo dastuurka si gaar ah xuduudaha iyo socdaalka".

Hogaamiyaha dalka oo sheegay in Itoobiya ay "joojisay" u yeeritaanka madaxda maamul goboleedyadda ayaa ku eedeeyay Kenya "in ay wali waddo," wuxuuna ku qaadey weerar afka ah.

"Waxaan kaloo dooneynaa in aan bedelno dhaqan ah 'Kenya haddey farageliso waa okay' Kenya maxaa iyaddu ka galay Jubaland? Kenya iyaddu shaqo kuma lahan Jubaland faragelina kuma sameyn karto. Arrin badda ah ayaa naga dhaxeysa, arrintaas meel kasta ayay u mareysaa sidii ay saameyn ugu yeelan lahayd ama [sidii ay u qabsan lahayd Jubalad]...Runtii anaga ma dooneyno in Jubaland ay u ekaato wax runtii naloo isticmaalo…dhibtaada Soomaaliya loo isticmaalo, ma ogolaaneyno. Ciddii ka shaqeynaayo ama fududeynaayana waxaan u aqoonsaneynaa in uu yahay qof aan ka shaqeynayn danta Soomaaliya," ayaa carabka ku adkeeyay madaxweynaha.

Inkastoo uu carabka ku dhuftay in aysan "awood u laheyn" ilaalinta xuduudaha dalka, wuxuu ku adkeysatay in aysan ogoleyn "faragelin shisheeye", isagoo raaciyey "annagana ma faragelineyno, mana aqbaleyno in naloo isticmaalo maamul goboleedyadeena, oo aan ognahay qaarkood in dibadaha laga soo dhistay oo IGAD loosoo xilsaartay".

"Arrinta Jubaland waa qadiyad bad ah"

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo ka tirsan AMISOM. Askartaas oo boqolaal ah waxay badankooda ku sugan yihiin Jubooyinka. Nairobi ayaa sheegtay in ay ku ilaaneyso danaheeda amniga.

Intii lagu guda jiray wareysiga, Farmaajo ayaa diidey in go'aanadiisa ay yihiin "kalitalisnimo". "Waa meesha aan siyaasada kasoo galnay oo aan rabno in aan bedelno," ayuu xusay.

Inkastoo Mareykanka ugu dambeyntii uu madaxweyne u aqoonsaday Axmed Madoobe, Farmaajo ayaa ka dhawaajiyey in mowqifka dowladiisa uusan wali isbedelin isla markaana aysan aqoonsaneyn.

"Arrinta Jubaland waa qadiyad bad ah weye, in la fahmaa la rabaa, iyo in Kenya ay dowladda Soomaaliya ku yeelato galangal, markii ay hesho meel ay naga gacan-maroojiso in aan niraahno 'waayahee arrimaha badda aan kawada hadalno' taasna aniga ma aha wax aan awoodeeda aan leeyahay baddaas iyo kheyraadka ku jira waxaa iska leh ilmo Soomaaliyeed oo aan wali dhalan aniga cidna ma siin karo, cidna makala xaali karo, arrintaas maxkamad ayay taalaa maxkamadaas ayaan ku go'naa wixii kasoo baxa, Kenyana uma isticmaali karto arrimaha badda arrimaha siyaasadeed gudaha, taasna waa runtii wax nasiib darro ah," ayuu tibaaxay madaxweynaha Soomaaliya.

Maxkamadda ICJ oo hal jeer ka ogolaatay Kenya in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda ayaa la filayaa in ay dib u bilowday bisha June ee sanadkan 2020-ka, waxaana lagu sheegay fadhiga ugu dambeeya.

"Gardaro"

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Jubaland, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, oo ka jawaabay hadalka madaxweynaha , ayaa ku sifeeyay "gardaro colaad ka dhex-abuureyso bulshadda labada dal".

Jubaland iyo Kenya ayuu hoosta ka xariiqay in uu ka dhaxeeyo xiriir saaxiibtinimo, derisnimo iyo mid wax wada qabsi ah.

"Kenya waxay kamid tahay wadamada ciidamadda ku taageeray Howlgalka Nabad Ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM. Kaliya waxaan kawada shaqeynaa ammaanka, ma jiraan wax kale," ayuu ku doodey.

Wuxuu wasiirka kusoo gabagabeeyay hadalka: "Haddii la rabay inaan deriskeena [Kenya] la colowno, ma dhici doonto, si kastaba ha loo dhigo balse Kenya waxaa nagala dhaxeeya sohdin gaareysa 800 oo KM ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM