Farmaajo: Ma dooneyno in Jubaland ay noqoto wax naloo isticmaalo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa bixiyey wareysigii 3aad oo uu siiyey warbaahinta tan iyo markii uu xafiiska la wareegay oo saddex sano laga joogo.

Wareysigaan oo uu siiyey Telefishinka Universal, Farmaajo ayaa kaga hadlaya siyaasadda, ammaanka dalka, xiriirka maamul goboleedyadda, qaddiyadda waxbarashada Puntland iyo gobolka.

Ugu horeyn, Farmaajo oo qiray in dagaalka Al-Shabaab iyo ammaanka aysan dowladiisu wali wax guulo ah ka gaarin ayaa carabka ku adkeeyay in au baahan tahay waqti dheer si loosoo afjaro ururkaas.

Inkastoo mudadii uu xilka hayey ay Muqdisho ka dhaceen laba kamid ah qaraxyadii ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya, Farmaajo ayaa yiri "dowladii naga horeysay qaraxyaddu waxay ahaayeen isbuucle, haddana waxaa laga yaabaa in ay muddo fog qaadato".

"Kenya kama yeelayno faragelin"

Madaxweyne Farmaajo oo difaacay faragelinta dowladiisa ku hayso dowlad goboleedyadda ayaa qaarkood ku tilmaamay "in ay u shaxaad ku tagaan dowladaha caalamka".

"Runtii waa dhaqanka aan rabno in aan bedelno in Dowladda Federaalka loo arko dowlad shisheeye. Hab-dhaqankii jiray wuxuu ahaa dowladaha deriska ayaa saameyn ku lahaa dowlad goboleedyadda, Jubaland marka aad tiraahdo iyo meelo badanba. Marka ay dowladaha deriska ah soo galaan 'waa okay' marka dowladii federaalka ahna oo mas'uulka ka ahayd ay tiraahdo 'xuduudihii amniga ayaan ilaalineynaa amnigiisa waxa soo galaya iyo waxa baxaayo waxa weye faragelin bey sameysay' waa dhaqanka aan rabno in aan bedelno".

Si gaar ah mar wax looga waydiiyey xaaladda gobolka Gedo iyo ciidamadda ay dowladiisu ku daabushay, Farmaajo oo ka gaabsaday in uu dul istaago arrinta Gedo ayaa dareenkiisa u weeciyey Kenya.

"Waxaan kaloo dooneynaa in aan bedelno dhaqan ah 'Kenya haddey farageliso waa Okay' Kenya maxaa iyaddu ka galay Jubaland? Kenya iyaddu shaqo kuma lahan Jubaland faragelina kuma sameyn karto. Arrin badda ah ayaa naga dhaxeysa, arrintaas meel kasta ayay u mareysaa sidii ay saameyn ugu yeelan lahayd...Runtii anaga ma dooneyno in Jubaland ay noqoto wax naloo isticmaalo..dhibtaada Soomaaliya loo isticmaalo. Ciddii fududeyneysana waxaan u aqoonsaneynaa in uu yahay qof aan ka shaqeynayn danta Soomaaliya," ayuu hadalkiisu ku daray madaxweynuhu.
Wuxuu ku daray: "Arrinta Jubaland waa qadiyad bad...Keyana waxay dooneysaa in ay saameyn ku yeelato...kiiskaas maxkamadda ayuu yaalaa aniga ma ahan wax aan go’aan ka gaari karo, baddaas waxaa ku jira kheyraadka caruurta Soomaaliyeed, mana ahan wax aan aniga bixin karo…waana ka xunahay in Kenya ay arrimo siyaasadeed oogudaha u isticmaasho".

Xiriirka Puntland

Sidda maamuladda kale, xiriirka Puntland iyo Villa Soomaaliya ayaa heer hoose gaarey intii uu xafiiska yimid Farmaajo. Si gaar ah waxaa muranka ugu adag uu ka jiray dhanka waxbarashada iyo faragelinta maamulada.

Farmaajo ayaa xaqiijiyey in uu waydiistay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni in ay miiska wada-hadalka isugu yimaadaan si loo qaboojiyo xiisadda.

"Walaalkey Saciid Deni, madaxweynaha Puntland dhowr jeer ayaan casuumay oo aan Xamar ku casuumay oo aan ku iri 'walaalow hana dul marin oo bal mar nagu soo dego noo imow aan wada fariisano aan kawada hadalno guud ahaan xaaladaha dalka ka jira oo ay kamid tahay [arrinta waxbarashada]' illaa iyo haddana uma suurtoobin wuxuu ku jiraa safaro dowladahaas deriska ah ama meelo fog-fog, waxaan jeclaan lahaa in uu noo yimaado oo aan wada fariisano".

Isagoo arrinta waxbarashadda dul istaagey, Farmaajo ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay "in lagu murmo maamulka halkii ay ahayd in maanta oo kale laga doodo tayadda" wuxuu rajo ka muujiyey in lasoo afjaro.

Wallow uusan magacaabin, maamul goboleedyadda qaarkood ayuu carabka ku adkeeyay "in ay dhisteen dowlado shisheeye" isla markaana ay "ka shaqeeyaan danaha dowladahaas oo dhaqaalo ay helaan".

Isagoo qiray in Puntland ay tahay hooyadii federaalka, Farmaajo ayaa soo jeediyey in maamulka uu hormuud u noqdo midnimada iyo wadashaqeynta dowladda federaalka iyo dowladaha xubinta ka ah.

Gabagabadii, madaxweynaha ayaa daaha ka rogay in dowladiisa oo dhan ah ay ku midoobi doonto hal xisbi oo ay kaga qeybgalayaan doorashooyinka 2020-21, wallow uu khilaaf ka taagan yahay nooca lagu galayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM