Farmaajo oo amray in ilaalada laga qaado madaxweyneyaashii hore

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa amar ku bixiyey in ilaalada laga qaado hogaamiyeyaasha xafiiska kaga horeeyay, sidda uu ogaadey Garowe Online.

Sidda illo wareedyo lagu kalsoonaan karo u sheegeen warsidaha GO, ciidamada ayaa la faray in ay dib ugu laabtaan saldhigyadooda.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, sidda ay muujineyso xogta, waxay ku jiraan liiska madaxda ay saameysay arrintaas.

Farmaajo oo mudada xilheynta ay dhamaad ka tahay, ayaa khilaaf xoogan wuxuu kala dhaxeeyaa madaxweyneyaashii hore.

Dhanka kale, qoraal kasoo baxay xafiiska taliyaha Milatariga Soomaaliya, Odowaa Yuusuf Raage, ayaa lagu amray ciidamada in ay xerooyinka ku laabtaan ugu dambeyn 14-ka Maaj, 2020.

War-saxaafadeedka uu nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online ayaa ujeedka ku macneeyay "joojinta shaqo leexsan".

Warqada ayaa lagu muujiyey in talaabadas ay ogyihiin madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha, ayna ku socoto meelo ay kamid tahay taliyeyaasha iyo kuliyada tababarka.

Xisbiyadda mucaaradka oo aan wali si furan kaga jawaabin arrintaan haatan soo shaac-baxday ayaa mar sii horesay ku eedeeyay dowladda Farmaajo in ay ciidamada u adeegsato "arrimo siyaasadeed".

WARQADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM