Farmaajo oo dalab laga gudbiyey kahor shirka madaxda maamulada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda maamulada waa in ay dabcin mowqifkooda ah in doorashada 2020-21 aysan noqon karin qof iyo cod marka ay hor-fariistaan hogaanka dalka, sidda uu ka codsaday siyaasi.

Cabdullahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe], taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya oo u waramay telefishinka Goobjoog, ayaa bogaadiyey shirkii ay madaxda dowlad goboleedyadda ku yeesheen Dhuusamareeb.

Hogaanka dowlada federaalka iyo maamuladda ayaa ku yeelanaya caasimada Galmudug shir kale oo ay uga arrin-sanayaa nooca doorasho ee dalka gali karo maadaama ay maaleen noocii lagu balansanaa.

Sanbaloolshe oo soo dhaweeyay natiijadii shirkii maamulada ayaa meesha ka saarey in dowladdu ku lug lahayd, isagoo ku eedeeyay Farmaajo in uu dhowr jeer ka cagajiiday wadahadalka maamulada.

Sababta loo xushay in shirka ku qabsoomo Dhuusamareeb ayuu rumeysan yahay in loo arkay meel dhex-dhexaad ah oo dowladdu ka didi karin.

Isagoo cabiraya fekerkiisa wejiga labaad ee shirka Dhuusaamreeb, Sanbaloolshe oo rumeysan in Farmaajo uusan tanaasul sameyn doonin ayaa xusay in uu isku dayi doono kala qeybinta madaxda maamulada.

Inkasta oo aan wali la muddeyn goorta uu furmayo shirkaas, haddana ra'iisul wasaare Khayre ayaa iska sii xaadiriyey Dhuusamareeb, halka madaxweyne Farmaajo uu kusii jeedo halkaas.

"Farmaajo shabaqa ayuu soo galay"

Madaxweynaha ayuu ku eedeeyay in uu goobayo muddo kororsi uu helo xilli uu madaxda dowlad goboleedyadda uu ka codsaday in aysan bedelin aragtidooda.

"Madaxweynaha hadda shabaqa ayuu soo galay, waxaan qabaa in dhabarka lagu adkaayo, marnaba aan laga tanaasulin, waqti ma jiro talada Soomaaliyeedna qof iskama lahanee, waa lawada leeyahay, kuligeenana waxaa nagala rabaa shirkaas in aan ka ilaalino fashil," ayuu yiri, isagoo guul u rajeeyay shirka.

Dhanka kale, Sanbaloolshe ayaa ka jawaabay su'aal ku saabsaneyd in ay dhab loo qaadan karo hadaladii Farmaajo iyo Khayre ee ku saabsanaa in coddeynta soo aadan ay waqtigeeda ku dhici doonto.

"Hadalka ra'iisul wasaaraha waa hadal mudo la sugaayey hadda kahorna si tilmaam ah ayuu u sheegay, mar kelana waa ku celiyey, waa soo dhaweynaynaa, sidda aniga ila muuqatana wixii aniga aan dhihi lahaa ayuuna Ra'iisul wasaaruhuna yiri. Madaxweynaha warqad ayuu kasoo daba saarey marka laga tago 'doorashada waa in ay waqtigeeda ku dhacdo' inta kale waa uga soo horjeeday waa wixii madaxweynuhu ku dhegnaan jiray oo ah doorasho qof iyo cod ah, sharciga doorashooyinka oo la marsiiyo, meelihii hore uu rafanaayey".

Wuxuu raaciyey: "Marka la dhoho hadalka dhab ma u qaadaneysaan Muslim run sheegay in uu yahay waa u qaadaneynaa. Inkasta oo nin saaxibkey ah oo aan waydiiyey maxaad ku fasirtay wuxuu yiri 'ra'iisul wasaaruhu markii uu hadlaayey qoortuu xogonaayey' dabiiciyan marka qofka qoorta xoqonaayo ama iskuma kalsoono ama run uusan sheegeyn marka loo fiiriyo body- expression, laakiin wixii aan dhihi lahaa ayuu yiri. Muddo ayuu ra'iisul wasaaraha luuq ku jiray, hadda luuq-luuqii waa kasoo baxay, nin dhiiran oo banaanka taagan mowqifkiisana cad yahay ayuu u eg-yahay".

Wallow warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in aysan isku aragti ka ahayn, Farmaajo iyo Khayre ayuu rajeeyay in ay "kuwada socdaan sidii ay u dhici lahayd doorasho la isla ogol-yahay".

Soomaaliya ayaa dhexda kaga jirta mar-xalad kala guur ah, waxaana wali uu mugdi ku jiraa qaabka uu waddanka uga bixi doono. Maxsuulka wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb ayaana laga dhowr-sugayaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM